Ciidamada Al Shabaab oo la wareegay maanta fariisimo badan oo Maxkamadaha Islaamiga ee taageerasan dowladda ay ku lahaayeen Muqdisho.
Shabelle: MUQDISHO
Ciidamada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa  la wareegay maanta fariisimo dhowr ah oo Maxkamadaha Islaamiga ee taageerasan dowladda KMG Soomaaliya ay ku lahaayeen gudaha Magaalada  Muqdisho.
Â
kadib dagaalo qaraar oo saakay ay ku waabariisatay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo intooda badan ka dhacay wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka ayaa Ururada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyo Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar waxaa ay kula wareegeen duhurnimadii maanta fariisimo dhowr ah oo ay lahaayeen ciidamada maxkamadaha Islaamiga ee haatan ku biiray dowladda KMG Soomaaliya.
Â
Sheikh Xasan Mahdi oo ka tirsan saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntii wasaaradda Gaashaadhiga ayaa warbaahinta u sheegeay in Al Shabaab iyo Ururkooda ay kala wareegeen waxaa uu ku tilmaamay cadowga Umadda goobo ay ka mid yihiin wasaaradda Gaashaadhiga,xeradii Guulwadayaasha iyo garoonkii Stadium Muqdisho,waxaana uu sheegay in masuuliyiintooda ay kala tashan doonaan hadii ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan waxaa uu ku tilmaamay cadow.
Â
Maanta ayaa waxaa lagu arkayay inta badan goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada maxkamadaha Islaamiga gaar ahaan wadooyinka  Warshadaha iyo Sodonka ciidamada Ururada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam Garabka uu hogaamiyo Dr Cumar IImaan Abuu Bakar oo ku sugan,waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay cirib dhigeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa iyadoo aan wali wax war ah ka soo bixin masuuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ee dowladda ku biiray.
Comments
comments