Ciidamada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca oo qabtay gaari walxaha qarxa laga suu buuxiyay.
Bartamaha(Dhuusa-Mareeb):-Ciidamada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaca ayaa gacanta ku soo dhigay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaasi oo la sheeegay in uu ku wajahnaa dhanka Dhuusa-mareeb.
Afhayeenka Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Sheekh C/risaaq Al Ashcari ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ku guuleysteen in ay qabtaan gaarigaasi oo la doonayay in qalqal lagu galiyo ammaanka Gobolka .
Sheekh C/risaaq Maxamed Mire Al Ashcari afhayeenka Gobolada Dhexe Ee Ahlu-Sunnah wal-Jamaaca ayaa sheegay in Culimada Ahlu-Sunnah ay ka badbaadeen hub la doonayay in looga dagaalamo Dhuusamareeb.
Afhayeenka ayaa qiray in Ciidamada ay in muddo ah klu murmen sii daynta gaariga maadaama uu u ekaa mid waday raashin wallow markii danbe lagu arkay hubka nuucyadiisa qarxa.
Masuulkaasi ayaa sheegay in la doonayay in ammaanka Gobolka qalqal lagu galiyo walxaha qarxa oo dhammaan ku socday dhuusa mareeb si dagaal looga bilaabo deegaanka gudihiisa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments