Calendar

Ciidamada Ahlu-Sunnah Wal-jamaaca oo galabta nin rayid ah ku toogtay Deegaanka Guri-Ceel.

ahlu sunah'Bartamaha(Guri-Ceel):-Ciidamada Ahlu-sunnah wal-Jamaaca ayaa la soo sheegayaa in gal;abta ay toogasho ku dileen nin rayid ah gudaha Deegaanka Guri-Ceel Ee Gobolka Gal-gaduud.

Ciidamada Ahlu-Sunnah ayaa la sheegay in ay doonayeen soo qabashada ninka ay dileen balse halkaasi uu gacan ka hadal dhexmaray Ciidamada iyo ninkii taasi oo sabab ka dhigtay in ay dilaan.

Ciidamada Ahlu-sunnah ayaa la sheegay in ay maydka ninkaasi geeyeen saldhiga ay Guri-Ceel ku leeyihiin iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ahlu-sunnah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: