C/Fitaax Shaaweeye oo si cara leh uga hadlay Burburinta Dowlada ka wado dhismayaasha shacabka hareeraha Garoonka Muqdisho.
Bartamaha(London):-Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si cara leh uga hadlay go’anka maamulka haatan jira uu ka gaaray dhismayaasha shacabka oo ay burburin kula dhaqaaqeen.
G/Xigeenkii hore ee dhanka ammaanka Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaaweeye ayaa si kulul u cambaareeyay barakicinta lagu hayo shacabka ku dhaqan hareeraha garoonka Muqdisho.
Shaaweeye oo hadalkiisa cara laga dheehanayay ayaa sheegay in aan loo dulqaadan Karin barakicinta bulshada ku dhaqan Muqdisho gaar ahaan kuwa haatan laga qixinayo garoonka iyo hareerihisa oo maamulka Gobolka Burburin ay ku bilaabeen.
“war waa in la joojiyaa dadka laga burburinayo guryaha waayoo shacabka ma aha in mar madfac lagu qixiyo marna guriga laga dumiyo ..xagee bay aadayaan ma circa ayay galayaa…waxaasi wax la qaadan kara maha waa in Siyaasad wanaagsan bulshada lola yimaadaa ma aha in shacabka la dhibaateeyo oo la cabiriyo..â€sidaasi ayuu yiri shaaweeye.
Guddomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Banaadir waxa uu xusay in dhulka laga rarayo shacabka ay Dowlada leedahay balse loo baahanyahay in shacabka la siiyaa dhul ay daganaa maadaama dagaal looga soo raray deegaanadii ay horay u daganaayeen.
Masuulkaasi Gudoomiye xigeenka ka ahaa Maamulkii ka hore ayaa waxa uu imaanayaa xilli qasaara badan ay ka dhalatay burburin Maamulka Gobolka uu ka sameeyay Xaafada Afisyooni Degmada Waabari iyadoo shacabkii daganaa ay dibadaha yaalaan iyagoo aan haysan meel ay daganaa.
Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa dhawaan shacabka ugu baaqay in ay ka barakacaan deegaanada ay ka taliyaan Mucaaradka waxa ayna durbadiiba bilaaben in ay amrkaan mar kale in ay ka barakacan deegaanada ku dhow garoonka Diyaaradaha Muqdishotaasi oo Maamulka Gobolka Banaadir ku noqonaysa dhabar jab xoogan iyo maamulkooda oo lo arkayo mid aan bulshada ka naxaynin.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments