read more »">
Calendar

Cali Khaliif Galayr oo ka digay khilaafka Baarlamanka ka dhex taagan.

imagesBartamaha(USA):-Ra’iisul wasaarihii hore ee Dawladdii Carta Dr.Cali Khaliif Galeyr ayaa uga digay Madaxda iyo Xubnaha Baarlamanka Soomaaliya khilaafka xiligan ka dhextaagan. 

Dr Cali Khaliif  Galeyr ayaa sheegay in Dowlada KMG ah ay xiligan rajadeeda wanaagsan tahay balse loo baahanyahay in ay joojiso isqabqabsiga iyo khilaafaadka baarlamanka laga dhex ababulay.

Dr Cali Khaliif wuxa uu sheegay in dowlada dagaaladii looga horyimid inay ka badbaado ay tahay mid mucjiso ah, sidaa daraadeedna ay rajadeedu wanaagsan tahay sida aan anigu u arko.ayuu yiri mar uu la hadalayay Idaacadda ku hadasha Afka soomaaliga ee VOA-da ee Mareykanka. 

“Dowladda waxay u baahan tahay inay hesho kaalmo deg-deg ah ee ka soo gaarata beesha caalamka , haddii aysan helintaasina  waxaa imaankareysa  inay waydo kharashaad ay howshaeeddu  ku sii kala wadato” ayuu yiri masuulkaasi siyaasiga soomaaliyeed ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaliya ee xiligii Dr. C/Qaasim wuxuu sheegay in dowladdu ay u baahan tahay inay ajande cad ay hordhagto beesha caalamka, kaasoo ay ku faahfaahinayso Caqabadaha hortaala ee ay ku doonayso inay ka gudubto.

Waxaa u Dr Khaliif Madaxda Dowladda  ugu baaqay  inay ka fogaadaan khilaafyada u dhexeeya, Xiligaan si ay ugu suurogasho inaysan xukuumadu khilaaf u dumin, sidii ku dhacday kuwii ka horeeyay.sanadihii la soo dhasasfay

Hadalka Siyaasiga dibad jooga ka ah Siyaasada Soomaaliya aya waxa uu imaanayaa xilli khilaaf ba’an uu ka dhex taagan yahay Dowlada Soomaaliya kaasi oo dhanka Baarlamanka ka aloolsan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: