Cali Dheere oo beeniyay warar sheegaya inuu geeriyoday
Afayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamed Raage ( Cali Dheere) ayaa markii ugu horaysay kahadlay warar la isla dhexmarayay oo ku aadan inuu u geeriyoday duqeyn bishii Janaayo ka dhacday Gobolka Gedo.
Cali Dheere ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid been ah, isagoona xusay inaysan haboonayn in Kenya looga Jawaabo hadlkasi beenta ah, waxaana uu ku tilmaamay war lala yaabo.
“Runtii qoladan gaalada Kenya in loo Jawaabo ma mudnayn beenta intaas la eg in ay sheegaan waxaa ku khasbay ciidankooda Soomaaliya ku soo duulay ayaa dhibaata la kulmay,shacabka Kenya ayaa dowladda farqaha ku dhegan baaba’a iyo halaagga wiilashooda gaaraya ayay beenta maciin bideen oo ay yiraahdeen mujaahidiinti ayaan dilnay”ayuu yiri cali Dheere.
Cali dheere ayaa warbaahinta soomalida ku eedeyay inay buun buuniyeen warkani, waxaana uu cadeeyay inay wanagsan tahay xaqiijinta wararka ay sheegayan warbaahintu.
“Waxaa la yaab ah warbaahinta qaar ka mid ah oo afka Soomaalida ku hadla ee sida indha la’aanta u taageeray, wararkaasna buun buuniyay, in aysan ka fiirsanin wax ay sheegayaan oo ay madax martay kaliya taageerada gaalada, iskama hubieysaan waxaa sheegeysaan ma runaa ma beenaa, taas waxay muujineysaa daacada aad gaalada u noqoteen”ayuu yiri Cali Dheere.
Dhowaan ayay ahayd markii dowlada Kenya ay sheegtay in Cali dheere uu geeriyoday kadib markii ay duqaymo diyaradaha Kenya ka gaysteen 10-kii Janaayo ee sanadkan deegaanka birta dheer uu dhaawac kaso garay.
Bartamah.com
Comments
comments