Kooxda Al-shabaab oo u hanjanbatay dalka Kenya.
Bartamaha(Kismaayo):-Afhayeenka Alshabaab ayaa si cad u sheegay in ay la dagaalamayaan Ciidanka Kenya inata ay faraha kula jirto arimaha Dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa daaha ka qaaday in ay weerar ku qaadayaan Dowlada Kenya oo haatan tababar u haysa Ciidan badan oo Dowlada KMG ah leedahay.
Cali dheere ayaa sheegay in Kenya aanay marna cafin doonin inta ay faraha kula jiraan Arimaha Dalka Soomaaliya oo ay haatan tababar u samaynayaan Ciidanka Dowlada.
“Kenya waxa ay qasbaysaa in aan weerarno dhismayaasha Muraayadaha iyadaa qasbaysa in aan dalkaasi dumino ….waana la dagaalamaynaa”ayuu yiri Cali Dheere.
Alshabaab ayaa iclaamisay in ay dagaal tos ah la galayso Dowlada Kenya oo ay ku eedeeyeen in ay faraha kula jirto arimaha dalka Soomaaliya oo xilli waliba ay Ciidan soo galiso.
kooxda Al-shabaab ayaa horay marar kala duwan u sheegtay in ay weerari doonaan dalka Kenya, iyadoo mararka qaarna Mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab aya sheegaan in aysan duulaan ku ahaynd dalka Kenya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments