Cali Cabdi Awaare oo ku soo biiray tartanka madaxnitinnimo ee Puntland
Cali Cabdi Awaare oo ah siyaasi caan ah, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland ayaa shaaciyay inuu isu soo taagi doono tartanka qabashada xilka madaxtinnimo ee dawlad goboleedka Puntland oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo magaalada Garoowe.
Waxaana tartanka shaaciyay inay u taaganyihiin Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Cali Gaas iyo Madaxweynaha haatan xilka haya C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Cali Cabdi Awaare ayaa sidoo kala ah gacacsade laga yaqaan Puntland isagoo soo noday wasiirkii dawladaha hoose.
Waxaanad moodaa in maalmihii ugu dambeeyay ay tartanka ku soo biirayaan siyaasiyiin miisaan leh oo horay xilal uga soo qabtay Puntland iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya kadib markii la joojiyay nidaamkii la doonayay in shacabku ay ku codeeyaan.
Waxaana markale dib u soo dooranaya madaxweynaha xildhibaanada baarlamaanka oo ay soo xuli doonaan hogaamiyayaasha dhaqanku.
Comments
comments