Calendar

Caleema Saarka Ugaaska Beesha Ciise oo maanta ka socanaya Degmada Salyac.

geedka-ciise Bartamaha(Saylac):-Munaasabad balaaran oo lagu caleema saarayo Ugaaska Beesha Ciise ayaa manta ka socanaysa Degmada Saylac Ee Gobolka Awdal.

Sida wararka nags oo gaaraya Saylac ay sheegayaan waxaa bilaabatay Munaasabadii lagu caleema saarayay Ugaaska Beelaha Ciise oo daga Deegaanada Jabuuti,Woqooyi Galbeed Somalia iyo dhulka somalida Ethiopia.

Dad badan oo ka kala yimid Deegaanada kala duwan ee Jabuuti Woqooyi Galbeed Somalia iyo Ethiopia. Ayaa waxa ay soo gaareen Deegaanka Saylac.

Ugaaska maanta la doobayo ayaa waxa lagu magacaabaa Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim waxa uuna noqonayaa Ugaaska 19aad oo ay yeelanayaan Beelaha Ciise.

Munaasabadan oo kale ayaa waxaa u danbaysay Sanadii 1932-dii oo la duubay Ugaaskii geeriyoday 1995-tii oo aanay ka dib dhicin Xaflad lagu duubayo Ugaas kale.

Mudoo 15-Sano ah ayaa waxaa laga baaraan dagaray Ugaaskii la caleema saari lahaa waxaana lagu guulaystay Ramadaankii la soo dhaafay in Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim la doorto.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: