Calanka Soomaaliya oo hoos loo dhigay.
Bartamaha (Muqdisho):- Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Calanka Soomaaliya saddex maalin hoos loo dhigayo ka gadaal markii hadalkaasi uu ku dhawaaqay Madaxweyne Shariif.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaqay in Calanka Soomaaliya saddex cisho hoos loo dhigayo si loo muujiyo baroor diiq loo samaynayo Gudoomiyihii Maxkamada sare.
Madaxweynaha ayaa waxa uu cadeeyay in Calanka saddex cisho hoos loo dhigayo waxaana guud ahaan baroor diiq ahaan loo fasaxay dhammaan shaqaalaha Dowlada si baroor diiq saddex maalin ah loogu sameeyo Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Maxkamada sare Marxuum Indha Buur.
Calanka ayaa waxaa durbaba laga dajiyay Villa Somalia,Hoyga ra’iisul wasaaraha iyo goobaha kale ee dowlada maamusho si loo muujiyo baroor diiqda loo samaynayo marxuumka shalay la soo aasay.
Waa markii ugu horaysay oo dowlada ay si cad ugu dhawaaqdo baroor diiq Calanka hoos loogu dhigo iyadoo masuulka dhintay uu ahaa Masuulka afaraad ee ugu awooda badan dowlada haatan dhisan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments