Calanka, astaanta iyo heesta Puntland
Calankan ka kooban afarta midab 1. Cagaar = barwaaqada iyo bay’adda Puntland 2. Calankii Buluugga ahaa oo dhexda ku jira 3. Midabka badda waa awoodda iyo difaaca Puntland.Â
 Waxaa diyaariyey miraha heesta isla isagana curiyey abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine) oo ku nool Maraykanka.
Fadlan kala doorta labada Hees mida farta madow ku qoran iyo midda farta buluugan ee ka danbeysey tan hore, si guddiga loogu diro:
Puntland barwaaqiyo
Baro weeye nabadeed
Bulsha caafimaadbaa
Mawlahay ku beeroo
Barkhadbaa u hoyatee
Â
Waa dhul beri-samaadloo
Baaxaddiisu weyntoo
… Baaxaddiisu weyntoo
Macdan baa ka buuxdee
Â
Boocamiyo Galdogob iyo
Badhan baa ku taallee
Boosaaso iyo Ayl
Baylaa ku taallee
Â
Bilan Gaalkacyiyoo
Bilicsame Garoowiyo
Beled Laasacaano
Buuhoodlaa ku taallee
Â
Laasqoray baddeediyo
Xaafuun bidhaan wacan
Buuniga Qardho iyo
Ceerigaabo waad u bogi
Â
Â
Hooriska:
PUNTLAND PUNTLAND
Â
Waa beyd nimcadu taal
Baahi laguma seexdoo
Barbarkaad u eegtaba
Waa wada baraaree
Rabbow noo badbaadi
Â
BADBAADI…RABBOW NOO BADBAADI
Â
Qaabka labaad ee heesta:
Â
Puntland barwaaqiyo
Baro weeye nabadeed
Bulsha caafimaadbaa
Mawlahay ku beeroo
Barkhadbaa u hoyatee
Waa dhul beri samaadloo
Baaxaddiisu weyntoo
…Baaxaddiisu weyntoo
Macdan baa ka buuxdee
Berri iyo Bad labadaba
Weli lama ballaynoo
Magantaa ku baridee
Hoy lagu badbaadaay
Buuritiyo Bannaankiyo
Xeebaha ballaartiyo
Durdurrada buutaacaa
Bilicbaa u gaaree
Ugaadhaa ku badanoo
Beeyadiyo Maydiga
Dhirtu noocya badaniyo
Waa boqol kunoo cayn
Â
Hooriska:
Â
PUNTLAND PUNTLAND
Â
Waa beyd nimcadu taal
Baahi laguma seexdoo
Barbarkaad u eegtaba
Waa wada baraaree
Rabbow noo badbaadi
BADBAADI RABBOW NOO BADBAADI
Comments
comments