Cadde Muuse “Ciidamada Badda Puntland Waxa ay ku biireen Burcad Badeeda…..â€.
Bartamaha (Boosaaso) — Madaxweynihii hore Ee Maamul Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Ciidamo badan oo Puntland ka tirsan ay noqdeen Burcad Badeed.
Cadde Muuse Xirsi Madaxweynihii hore Puntland oo la hadlayay Warbaahinta ayaa waxa uu si weyn u weeraray qaabka ay u shaqeeyaan Ciidamada Ilaada badaha Puntland isagoo sheegay in ay Burcad Badeed noqdeen.
Cadde Muuse Xirsi Madaxweynihii hore Puntland ayaa waxa uu sheegay in uu ka war qabo Ciidamo badan oo Puntland ka tirsan in ay ku biireen Burcad badeeda xirfadna ay ka dhigteen taasina ay cuuryaamin karto jiritaanka Maamulka.
“Ciidamada Badda Puntland Waxa ay ku biireen Burcad Badeeda…qaar badan ayaan ogaaday in ay badda ku jiraan oo ay dhaca maraakiibta qeyb ka yihiin waana wiilal xirfad ka dhigtay afduubka…..†ayuu yiri Cadde Muuse.
Masuulkaasi ayaa waxa uu ka digay qaabka ay u shaqeeyaan dhalinyarada lga dhigay Ciidamada baddda isagoo ku baaqay in la badbaadiyo shacab weynaha Puntland oo laga dhowro qatarta Burcad Badeeda keeni karto.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments