Cabsi soo wajahday Burcad Badeeda Xarardheere markii Alshabaab ay ku dhawaadeen Deegaankaasi.
Bartamaha(Xarardheere):-Kooxaha Burcad Badeeda Deegaanka Xarardheere ayaa cabsi xoogan ay la soo derestay ka dib markii alshabaab ay ku dhawaadeen Deegaankaasi.
Wararka naga soo gaaraya Xarardheere ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq xoogan laga dareemayo gudaha Deegaankaasi markii laga warhelay in ALshabaab ay doonayaan la wareegida Xarardheere.
Wariye ku sugan Xarardheere oo www.Bartamaha.Com la hadlayay ayaa sheegay in saraakiisha Burcad Badeeda ay ka arinsadeen ka hortaga Alshabaab haddii ay isku dayaan in ay soo galaan gudaha Xarardheere.
Waxaa la sheegayaa in Alshabaab ay Ciidamadooda gaareen Dakadaha Macmalka ah ee Cigo iyo Mareeg oo ay ka qaateen doonyo la sheegay in ay lahaayeen Burcad Badeeda.
Ciidanka Alshabaab ayaa sidoo kale socod dheer ku wajahay Xarardheere iyagoo maraya dhulka Deexda ah ee xeebta mara si ay u qabsadaan Xarardheere.
Saldhiga sadexaad oo ay Burcad Badeeda leeyihiin ayaa ah Deegaanka Xarardheere waxa ayna dhalin kartaa dhibaato culus haddii ay Alshabaab qabsadaan Deegaankaasi.
Wixii warar ah ee ku soo kordha baqdinta laga qabo in Alshabaab ay gaarana Xarardheere kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments