Calendar

Cabsi dagaal oo Saaka laga dareemayo gudaha Degmada Dharkenley Muqdisho.

Bartamaha(Muqdisho):-Xiisad Colaadeed ayaa saaka laga dareemayaa gudaha Degmada Dharkenley halkaasi oo ay isku horfadhiyaan Ciidamo Dowlada ka wada tirsan.
Dhawaanahan ayaa waxaa jiray isku day ay wadeen odayaasha Deegaanka oo kala dhexgalay Ciidamo Dowlada ka wada tirsan oo qaab qabiil ugu dagaalamayay gudaha Dharkenley.
Odayaasha ayaa ku guuldareystay in ay kala qaadaan labada Ciidan si loo baajiyo dhiig dambe oo ku data gudaha Deegaankaasi Dharkeneley oo ay daganyihiin shacab aad u badan oo ka soo barakacay Muqdisho inteeda kale.
Ciidamada ku dagaalamayay degmada ayaa waxa ay kala taabacsanaayeen Xaaji Muuse Suudi oo xildhibaan baarlamanka ka mida ah iyo Guydoomiye Xigeenka dharkenley kuwaasi oo qaab qabiil u dagaalamayay.
Xaalada Degmada Dharkenley ayaa saaka kacsan waxaana jira hub aruursi iyo rasaas teel teel ah oo meelaha qaar ka dhacaysa taasi oo sabab ka dhigi karta dagaal guud oo ka dhaca Degmadaasi.
Dhammaan waxaa xeran wadada Macmacaanka iyo Dabakaayo Madow oo ay kala fadhiyaan maleeshiyada ka mid ah kuwa Dowlada balse dagaalka uu u dhexeeyo.
Wararka ugu dambeeya www.Bartamaha.Com kala soco.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: