Calendar

Caasha Axmed Cabdalla oo si cara leh uga hadashay dagaalada Galgala.

xildhibaanada caashaBartamaha (Nairobi):- Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa si aad ah u cambaaraysay dagaalada ka socanaya Buuralayda Galgala oo ay ku Eedeysay masuuliyadooda Dowlada Puntland.

Xildhibaanad Caasha oo ka hadlaysay dagaaladii ugu danbeeyay ee shalay ka socanayay Galgala ayaa waxa ay Eeda dagaaladaasi dusha uga tuurtay Madaxweyne Faroole oo ay ku sheegtay nin colaad abuuraya.

Xildhibaanada waxa ay xustay in Madaxweyne Faroole uu waday abaabulka dagaalka shalay qarxay taasina ay muujinayso in uu doonayo dagaalo uu ka abuuro deegaanada kala duwan Ee Puntland.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabadalla oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland balse ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay Madaxweyne Faroole ugu baaqday in uu iska dhigo xilka ay u doorteen 66-Mudane sida ay hadalka u bdhigtay xildhibaanada.

Caasha Cabdalla waxa ay Madaxweyne Faroole ku sheegtay Hogaamiye dagaal doonaya islamarkaana uu Beel ka mida Beelaha dagan Puntland uu dagaal la galay ciidan xoog badana u adeegsanayo.

Xildhibaanada waxa ay ugu danbayn sheegtay in Sheekh Atam uu yahay nin Hogaamiye Beeleed ah balse aanu ahayn Hogaamiye Islaamiyiinta ka mid ah taasina ay tahay mid looga been abuurayo laguna tilmaamayo Argagixiso.

Xildhibaanada ayaa hadalka carada xanbaarsanaa waxa ay ku soo afmeertay Eedeyn ay dusha u saaraty Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ay sheegtay in uu Hub iyo Rasaas geeyay Garoowe si loola dagaalamo Beesha dagan Deegaanka Galgala.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaanadaasi ayaa imaanaya xilli weli xiisad dagaal ay ka taagantahay dhulka Buuralayda ah ee Gobolka Bari halkaasi oo ay weli isku horfadhiyaan Sheekh Atam Ciidankiida iyo Darawiishta Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Ku xigeenka Puntland.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: