Burcad Badeeda Soomaalida oo Xeebaha Deegaanka Hobyo ku soo xeray Markab ay soo afduubteen.
Bartamaha(Hobyo):-Kooxaha Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay Markab nuuca Shidaalka qaada ku soo xertay Xeebta Deegaanka Hobyo.
Kooxahan Burcad Badeeda ayaa waxa ay dhawaan soo qafaasheen Markabnkaasi laga leeyahay Dalka Koonfur Kuuriya kaasi oo siday Shidaal laga qaaday Ciraaq.
Markabkan ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu haatan ku soo xertay Deegaanka Hobyo iyadoo ilaala xoogan ay ka hayaan Kooxaha Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya.
Burcad Badeeda ayaa waxa ay ka doonayaan Markabkaasi lacag madax furasho ah iyagoo horay u heystay shaqaale iyo markab laga leeyahay Dalkaasi.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.