Burcad Badeeda Soomaalida oo sii daysay Badmaaxiin muddo ay ku heysteen xeebaha soomaalida.
Bartamaha(Fijji):-Kooxaha Burcad badeeda dalka xeebaha soomaaliya ka qowleysta ayaa sii daysay tiro badmaaxiin u dhashay jasiiradaha Fijji iyo Tuvalu kuwaasi oo in mudda ah ay xeebaha soomaaliya ku hesyeen.
Burcad badeeda ayaa lagu soo waramayaa in ay faradax furasho ka dib ay sii daayeen 12-Badmaaxiin ka soo kala jeeda Jasiiradaha Fijji iyo Tuvalu kuwaasi oo la socday markab laga leeyahayw adanka Jarmalka.
Kooxaha Burcada badaha Soomaaliya ayaa la shegay in ay qaateen 2.5$ Milyan taasi oo aad uga yar dalabkii hore Ee Burcada Soomaalida oo horey ka dalbaday in ay bixiyaan 15$ Milyan oo doolar .
Wararka ka imaanaya deegaanka lagu hayo Markabka Hansa Stavanger ee laga leeyahay wadanka Jarmalka ayaa sheegaya in Burcad Badeeda ay diideen in ay sii daayaan markabkaasi balse ay sheegeen in ay gadanayaan shaqaalaha iyo badmaaxiinta saran.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments