Burcad-badeeda Soomaalida oo sii daayay markab watay calanka dalka Panama
Hobyo (www.Bartamaha.com):- War ay maanta oo sabti ah qortay jariiradda Manila time ee ka soo baxda dalka Philippines, ayaa lagu sheegay kooxaha burcad-badeeda Soomaalida in ay sii daayeen markab ganacsi, oo ku safraayay calanka dalka Panama, kaa oo ay la socdeen 24-shaqaalo ah.
Markabka ayaa magaciisa waxa uu yahay MT Polar waxa la afduubtay 30-kii bishii October sanadkii horre 2010-ka waxana lagu heestay mudo 10-bilood ah xeebta Hobyo ee gobalka Mudug ee Soomaalida
Xeyle Maxamed oo ah hogaamiyaha kooxda Burcad-badeeda heestay marka MT-Popalar ayaa sheegay in ay siidaayeen marka iyo shaqaalaha kaas oo u shareecday dhinaca gacanka cadmeed.
Waxa kaloo uu sheegay in horrey uga dalbadeen shirkadda iska leh markabka 15 million oo dollar laakin milkiilayaasha markabk ay yabooheen 10-Million oo dollar.
Sarkaal u hadlay shirkadda Markab MT Polar ayaa sheegay in bixiyeen lacag madax furasho ah oo gaareysa ilaa 7.7 Million oo dollar.
Waxa intaas ku daray Markab in uu watay warqad muujineysa in laga lee yahay wadanka Liberian laakin waxa laga lee yahay wadanka Greek waxa la sheegay in uu waday saliid ceeyriin oo uu ka keenay wadanka Ciraaq isagoo u waday wadanka Mareykanka xiligii la afduubaanaayay.
Si kastaba shaqaalaha la socday markabkan ayaa waxa ay 16- ka mid ah u dhasheen wadanka Philppin, afar u dhalatay Montenegro, seddax u dhalatay wadanka Greek iyo mid u dhashay wadanka Romania.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments