Calendar

Burcad badeeda Soomaalida oo Markab sii daayay.

markab
Batamaha (Nairobi):- Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxa ay sii daayeen Markab laga leeyahay dalka Ingiriiska oo watay Calanka wadanka Banama kadib markii ay ka qaateen Lacag Malaayiin Doolar ah oo madaxfurasho ah.

Markabkani oo lagu magacaabo MV Al Qaaliq islamarkaana kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ay gacanta ku dhigeen 22-kii October sanadii hore 2009-ka aynu ku qabsadeen xeebta Jasiirada Sishalis ayaa la sii daayay kadib markii kooxaha Burcad badeeda ay ka qaateen aduun lacageed oo gaaraya 3 million oo Dollar.

Saraakiil ka tirsan ciidamada bada Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay in hadii ay sii socoto lacagta Madax furashada ah ee ay Burcad badeedu helayanan ay adkaandoonta sidii si sahal ah loosoo afjari lahaa Burcad badeeda.

Markabkan lagu magacaabo MV Al Qaaliq oo uu ka dulbabanayay xiligii la qabanayay Calanka wadanka Banama ayaa la sheegay in kooxaha Burcad badeeda muda dheer uu gacantooda ku jiray islamarkaana uu is afgarad dhaxmaray mas’uuliyiintii Markabkaasi iyo waliba kooxaha burcad badeeda iyadoona xiligaasi kadib la siiyay kooxaha burcad badeeda inkabadan 3-Milyan oo Doolarka Mareykanka kadibna ay sii daayeen.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa inta badan waxa ay afduubtaan Maraakiibta shishiyee iyadoona Beesha Caalamka inbadan ay ku celcelisay in ay wax ka qabanayaan kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ee qafaasha Maraakiibta Caalamiga ah iyo shaqaalaha saaran.

Burcad badeedu waxaa ay sanadii aynu soo dhaafnay ay ay maraakiibta ay afduubteen ka qaateen lacag gaareeysa 200 Million oo doolar waana tan keentay in ay sii kordhaan sanada cusub weerarada iyo afduubka Maraakiibta iyo doonyaha gooshaya xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska Bartamaha ee Nairobi.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: