Calendar

Burcad badeeda Soomaalida oo gacanta ku dhigey Maraakiib hor leh.

Bartamaha Nairobi, Kenya.

st james park

Burcad badeeda Soomaalida ayaa gacata ku dhigey Markab sidey shixnad kiimiko ah oo uu ka babanayay calanka Wadanka Ingiriiska iyo waliba sidoo kale markab kale oo laga lahaa Dalka Panama kuwaasi oo marayay goobaha ay sida aadka ah uga qaraabtaan kooxaha burcada badeeda iyadoo la xaqiijiyay iney maraakiibtani la socdeen 45 ruux.

Afduubkan loo gaystay maraakiibtan ayaa waxa uu cadeynayaa in falalka burcad badeednimadu ee sanadihii ugu dambeeyay ka socdey xeebta soomaaliya ay yihiin kuwa sii dabadheeranaya oo markaasi lagu doonayo in lagu helo lacago madaxfurasho ah oo ay bixinayaan mulkiilayaasha markaakibta burcad badeedu ay gacanta ku dhigto, iyadoona loo baahan yahay in maraakibta adeegsanaya marinka geeska afrika ay muujiyaan  taxadar dheeriya, sidaasi waxaa yiri Noel Choong oo ah madaxa hayada caalamiga ee badmareenada u qaabilsan arimaha burcad badeeda, isagoo ku sugan magaalada Kuala Lumpur, ee xarunta Dalka Malaysia.

Biyaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay kooxo burcad badeeda soomaaliya kuwaasi oo gacanta ku dhigay tiro maraakiib ah oo laga bixiyay malaayiin doolar oo madaxfurasho labadii sano ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ha ahaatee waxaad moodaan in ciidamada ku sugan gacanka cadmeed iyo badweynta hindiya iney u caal waayeen waardiyaha ay sheegaan iney ka hayaan gacanka cadmeed oo kamida marinada ay maraakiibtu maraan kuwooda ugu mashquulka badan caalamkan aynu ku noolnahay.

Madaxa arimaha burcad badeeda u qaabilsan ururka badmareenada caalamka Choong ayaa xaqiijiyay in markabka uu ka babanayay calanka ingiriiska ee lagu magacaabo St James Park inuu noqonayo markabkii ganacsi ee ugu horeeyay ee ku dhawaad mudo lix bilooda gacanta ay ku dhigaan burcad badeeda soomaalida.

Waxa uu masuulku intaasi raaciyay in maalintii isniinta ahayd uu markabkan bixinayay fariimo muujinaya in caawimaad uu u baahan yahay kadib marki lasoo weeraray.

Fariintaasi oo gaartey gudiga badbaadada iyo isku xirka dhinaca badaha ee dalka Greece gaar ahaana xarunta Piraeus, taasi oo markaasi arintaasi u tebisay ururka caalamiga ee badmareenada iyo haydaha kale ee arintaasi ku shaqa leh.

Ururka badaha caalamka ma uusan helin in wax xiriir ah uu la sameeyo markabka hasa yeeshee waxay afduubkan ka ogaadeen mulkiilihii markabka oo u xaqiijiyay in St James Park ay gacanta ku dhigeen burcad badeeda soomaalida, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Mr Choong.

Afhayeen u hadlay xoogaga midawga yurub ee ka hortaga burcad badeeda Abaanduule Joh Harbour ayaa sheegay in markabka St james Park la afduubtay mar uu marayay halka loogu magacdaray marinka caalamiga ah ee socdaalka ee k u yaalla gacanka cadmeed, halkaasi oo ay roondayn ku sameeyaan isabahaysiga ciidamada Badaha ee Caalamka.

Markabka St James Park ayaa waxa uu kasoo shiraacday Dekadda Taragoon ee dalka Spain isagoo ku socday Dekadda Tha Phut ee Dalka Thailand, iyadoo ay markabka saarnaayeen 26 ruux oo u kala dhasahay Philipines, Russia, Georgia, Romania, Bulgaria,Ukraine, Poland, India iyo Turkey sida uu xaqiijiaya afhayeen ciidamada midawga yurub ee ku sugan halkaasi, isagoo intaas ku darey in markii ugu dambeysay uu markabku marayay dhinaca waqooyi ee xeebta soomaaliya ciidamada midawga yurubna ay la socdeen xaaladiisa.

Madaxa hayada badmareenada caalamka Choong oo u fadhigiisu yahay dalka Malaysia ayaa sheegay sadex saacadood kadib markii la afduubtay St James Park ayaa sidoo kale burcad badeedu waxaa u suuro gashay iney gacanta ku dhigaan markab uu ka babanayay calanka wadanka Panama oo ay saarnaayeen 19 ruux lagana afduubtay dhinaca koonfureed ee xeebta dalka soomaaliya.

Ururk badmareenada caalamka ayaa weli ka war dhawraya warbixino rasmiya oo ay ka helaan mulkiilayaashii maraakiibtaasi iyadoo ururka uu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin intaasi ka baxsan.

Masuulka ururkan u qaabilsan la socodka burcad badeeda ayaa xaqiijiyay in afduubyadani ay sare u qaadayaan weerarada lagu hayo maraakiibta adeegsata gacanka cadmeed isagoo sugay in 214 weerar sanadkaan ay qaadeen burcad badeeda soomaalida, iyagoo gacanta ku dhigey 47 markab halka 12kamida maraakiibtaasi ay hada gacanta ugu jiraan burcad badeeda somaalida.

Ugu dambeyntii maalinimadii isniinta ah ayay hayd markii ay burcad badeeda soomaalidu ay sii daayeen markab ay afduub u haysteen kadib markii ay madaxfurasho ka qaateen markabkii uu ka babanayay calanka Singapore ee Kota Wajar oo la afduubtay bartamihii bishii oct ee sanadkan oo laga qabsaday gudaha badweynta Hindiya gaar ahaana waqooyiga jaziiraddaha Seychelles.

Abdiqafar Ahmed Shire.

[email protected]

Nairobi, Kenya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: