Burcad Badeeda oo sidii laga yeeli laha aloga tashanayo kulan ka furmay Jabuuti.
Bartamaha(Djabuti):-Burcad Badeeda oo Caalamka oo dhan saamayn ku yeelatay ayaa waxaa looga tashanayaa sidii laga yeeli lahaa Dalka Jabuuti.
Kulan balaaran oo ka furmay Magaalada Djabuti ee Dalkaasi Jabuuti ayaa waxaa looga hadlayaa sidii laga yeeli lahaa Kooxda Burcad Badeeda ah ee Xeebaha soomaaliya dhibaatada ka wada.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybaya ergooyin ka kala socda Dowlado iyo Ururo Caalami ah oo ka shaqeeya arimaha Badaha Caalamka oo dhibaatada ay wada saamaysay.
Wufuda ka tashanaysa Burcad Badeeda iyo dhibaatadeeda ayaa waxa ay ka kala socdaan Wadamada Somalila,Jabuuti,Kenya,Yaman,Maraykanka iyo Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee ICG kuwaasi oo dhammaan hadalo ka jeedin doona Kulankaasi.
Burcad badeeda ayaa waxa ay noqotay nabar xanuun badan oo Wadamo badan dhibaato xoogan u geystay hormarkooda dhanka Ganacsiga maadaama marar badan maraakiib looga qabsaday Biyaha Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments