Calendar

Burcad Badeed Xalay dagaal ku dhexmaray Deegaanka Xarardheere iyo Xaalada oo weli kacsan.

burBartamaha(Xarardheere):-Xaalada Xarardheere ayaa kacsan halkaasi oo xalay uu ka dhacay dagaal muddo saacada ah dhexmarayay Kooxo ka wada tirsan Burcad Badeeda.

Dagaal  u dhexeeyay Kooxo Burcad Badeed ah ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Xarardheere Ee Gobolka Mudug halkaasi oo laga sii daayay markab Giriiga laga lahaa kaasi oo laga qaaday lacag madax furasha ah.

Xarardheere ayaa xalay oo idil ahaa laga maqlayay rasaasta iyo garneelada garabka laga gano oo ay isdhaafsanayeen Kooxaha Burcad Badeeda ee isku haya qeybsiga lacagta Madaxfurashada ah.

Inta la ogyahay 4-ruux ayaa dhimatay 12-kalana dhaawac ayaa soo gaaray oo dhammaan ah Kooxda Burcad Badeeda oo ku dagaalantay Xeebta Xarardheere halkaasi oo lacagta lagu hayo.

Xaalada ayaa waxa ay tahay mid kacsan iyadoo aan la isku halayn Karin waxa ay arintu ku dhamaan doonto maadaama ay is hayaan maleeshiyada Burcad Badeeda oo lacag dhan 5-Milyan oo doolar isku khilaafsan sidii loo qeybsan lahaa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: