Burcad-badeed Soomaali ah oo Qabsaday markab laga lee yahay dalka India
Oman (www.Bartamaha.com):- Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida ayaa qab saday meel seddax KM u jirta xeebaha dalka Cumaan Markan nooca shidaalka oo ay la socdaan 21-shaqaalo ah oo dhamaan u dhashay dalka Hindiya.
Saraakiil u hadlay ilaa ladda Xeebaha Cumaan ayaa sheegay Mareekabkabka oo laga lee yahay dalka Cumaan in koox burcad-badeed hubeesan ay ka qabsadeen meel ku dhow dekadda Salalah ee dalka Cumaan.
“ Ilaa hadda warar ku saabsan dhawaac ama dhimasho soo gaaray shaqaalaha ma hayno” siddaasi waxa sheegay Peter Ford oo ah madaxa CEO ee dekadda Salalaha waxa uu intaa ku daray in ay wadaan baaritaano ku aadan afduubka markabka oo la la soo aaday xeebaha Soomaaliya”.
Markabkan ayaa waxa lagu magacabaa Fairchem Bogey waxaana uu ka diwaan gashan yahay shirkad ku taallo magaaladda Mumbai ee dalka India.
Burcad-badeeda Soomaalida ayaa kor dhiyay weeraradda ay ka geestaan waqooyiga iyo bariga badweenta Hindiya labadii sano ee la soo dhaafay.
Waxa ugu dambeeyay bishii January sanadkan markab watay calanka dalka Algeria oo sidday 20,586 Ton oo ay ka afduubteen meel 240-km u jirta koonfurta bari dekadda Salalah waxana la socday shaqaalo gaaraya ilaa 27-oo ukala dhashay wadamadda Algeria, Ukraine iyo Philippine.markabka ayaa ku siijeeday dekadda Dar es Salaam,ee dalka Tanzania.
Salalah waxa ay noqotay meel ay ku soo kordhayaan shirkadaha sidda gaarka loo lee yahay.
W/D:Xafiiska Wararka Bartahamaha.com Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments