Burcad badeed Soomaali ah oo maxkamad lagu soo taagay dalka Malaysia.
7 ruux oolagu eedaynayo in ay yihiin Burcad badeed Soomali ah ayaa waxaa Maanta maxkamad lagu soo taagay dalka Malaysia, waxaana lagu xukumay midkiiba 10 Sano oo xariga halka 4 kalana lagu xukumay iyagana midkiiba 8 sano oo xariga.
Raggani ayaa waxa ay qirteen in ay Rasaas ku fureen Askar ka tirsan ciidamada Malasia oo ku sugnaa gacanka cadmeed labo sano ka hor, xilligaasi oo ay isku dayayeen in ay Afduubtaan Markab laga lahaa dalka Malaysia oo isticmaalayay Biyaha gacanka Cadmeed.
Muwaadiniinta Soomaalida ah ayaa waxa lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay afduubtaan Markab laga leeyahay dalka Malaysia oo lagu magacaabo Bunga Laurel .
Nimankani ayaa waxa lagu kala magacaabaa Axmad Cusmaan Jamaal oo ah 30 Sano jir ah, Cabdi Ciid Xasan oo 22 sano jir ah iyo Cabdi kariin Maxamad Cabdi oo asagana 22 sano jir ah.
Comments
comments