Bulshada Bantuuga Mareykanka oo Texas ku Kulmay.
Bartamaha(Texas) Hogaamiyayaal 40 gaaraya oo ka socday bulshada bantuuga ee ku dhaqan dal weynaha mareykanka ayaa yeeshay kulan aad u balaaran oo ay kaga hadlayeen qaabkii ay bulshadaasi isaga kaashan lahaayeen horumarka iyo iney si wanaagsan bulshadooda ugu shaqeeyaan.
Qeybaha ay Hogaamiyaashan isugu Jireen.
Kooxdan hogaamiyayaasha bulshada bantuga ayaa isugu jiray rag iyo dumar dhalinayaro iyo duqey waxayna ku kulmeen magaalada San Antonio oo ah magaalada labaad ee ugu balaaran gobolka Texas ee dalka Mareykanka maalimihii sabtida iyo axadda ee aynu soo dhaafnay, waxaan kulankani soo qaban qaabiyay ururka isku xirka bulshada bantuga ee dalka Mareykanka.
Kulankani oo uu marti galinayay ururka bulshadaasi ay ku leedahay magaalada San Antonio ee gobolka Texas ayaa waxaa looga hadlay xoojinta arimaha haweenka, sare u qaadida luuqada ingiriisga oo noqotay luuqada 2aad ee dadkaasi, ilaalinta dhaqanka bulshada bantuuga iyo sare u qaadida dhamaan arimaha horumarka u ah bulshadaasi.
Gobolada ay Ka socdeen Hogaamiyayaasha.
Hogaamiyayaal ka socday Gobolada Arizona, Colarado, iyo Gobolka Oregon ayaa maalinimadii axadda ahayd ka hadlay aqoon is weydaarsigii ugu dambeeyay ee la qabtay maalinimadii axadda ahayd.
Cabdi Aaden oo kamida hogaamiyayaasha bulshadaasi kana socday gobolka Arizona ayaa sheegay in ula jeedada kulankaasi ay u qabteen ay tahay in la balaariyo waxqabadkooda iyo isku xirnaantooda, waxa uuna intaasi raaciyay iney soo dhaweynayaan qoysaska kale ee bantuuga ah ee dalkaasi ku cusub si ay ula wadaagaan khibradaha ay iyagu horay ula kulmeen isla markaana midba midka kale la  shaqeeyo, si loo xoojiyo bulshadaasi.
Shabakaddan ay ku mideysan yihiin bulshada Baantuga ee dalka Mareykanka ayaa ah mid wax qabadkeeda uu muuqdo waxaana la unkay sanadkii 2007 kadib markii bulshada ku dhaqan magaalooyinka San Antonia iyo Houston ee gobolka Texas ay xiriir la sameeyeen Dhigooda ku dhaqan gobolka Arizona si looga caawiyo arimaha salka u ah wax wada qabsiga bulshada mareykanka, waxayna arinta markii dambe noqotay mid u balaaratay ilaa iyo 35 kooxood oo ka dhisan inta badan gobolada mareykanka, lga soo bilaabo Newyork ilaa Idaho, Texas ilaa Colorado.
Dhinaca kale Cabdi Saciid oo ka tirsan hogaamiyayaasha bantuuga ayaa isaguna dhiniciisa qiray in isku xirka bulshada uu aad u wanaagsan yahay islamarkaana ay bishii hal mar ku kulmaan dhinaca taleefanka oo ay shir ku qabtaan waxa uuna carabka ku dhuftay in arintani ay uga gol leeyihiin in la wadaago isla markaan la iska kaashado dhibaatooyinka bulshadaasi kula soo darsa gudaha mareykanka, iyo si loo badbaadiyo jiilka dambe ee bulshadaasi gudaha mareykanka iyo dalka Soomaaliya oo ay aaminsan yihiin iney ka yihiin dadka laga tirada badan yahay.
Mid kamida ula jeedooyinka  ahdaaftooda ay ku gaari karaan ayuu Cabdi Saciid ku tilmaamay inay tahay in caruurta la baro qaabka ay u raaci karaan hogaamiyihii mareykanka ahaa ee u doodi jirey xuquuqda madawga ee Martin Luther King iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka koonfur Afrika Nelson Mandela, si ay iyaguna u noqdaan kuwo waxtar leh.
Kooxdani waxay tilmaameen dhibaatooyinka ugu badan ee bulshada lasoo gudboonaada iney tahay ku dadaalidda tacliinta, korinta caruurta iyo ka ilaalinta dhaqamada galbeedka ee dalkaasi loogu tagay iyo arimaha kale ee la xiriira dhinaca arimaha bulshada.
Dhinaca kale Maxamed Sacid oo kamid ahaa masuuliyiinta halkaasi ku kulmay ayaa sheegay iney ku dadaalayaan sidii ay isugu xiri lahaayeen bulshada bantuuga iyo bulshooyinka kale ee dalkaasi ku nool sida qaar kood iney ku daydaan qaabka ay isugu xiran yihiin halka qaarka kalana ay doonayaan iney ku dayasho u muujiyaan oo ay tusaale u noqdaan.
Hogaamiyaashu waxay is tuseen qaabka ay ugu guulaysteen inuu sare u kac ku yimaado ka qalin jabinta koleejyada mareykanka ay bulshadaasi ka qalin jabiso, iyo waliba sidoo kale  codsashada dhalashada wadanka Mareyaknka.
Si kastaba ah ahaatee hogaamiyayaashu waxay tilmaameen in afartii hogaamiye ee halkaasi kasoo muuqatayba ay dhamaantood ahaayeen kuwo kasoo qalin jabiyay qaar kamida koleejyada mareykanka iyadoo tirada koleejyada ka qalin jabisayna ay ku tilmaameen iney ka badan tahay 300 ruux guud ahaan dalka mareykanka.
Yuusuf oo kamid ahaa hogaamiyayaasha halkaasi isugu yimid waxa uu tilmaamay in darajadiisa shahaada ee uu ka diyaariyay Maamulka iyo maareynta hudheelada uu ka sameeyay koleejka St Philips isla markaana bishii Maarso ee sanadkan uu qaatay Baasaboorka dalka Mareykanka, taasi oo uu ku tilmaamay guul aad u weyn.
Yusuf waxa uu tilmaamay tilaabada ugu muhiimsan ee mustaqbalka looga baahan yahay hogaamiyayaashasi iney tahay xiriirka iyo saameynta ay ku yeeshaan dalka mareykanka oo ay maalinba maalinta ka dambeysa kusii badanayaan iney kamid noqdaan bulshooyinka dalkaasi ku nool oo ay qaadanayaan dhalashada wadnakaasi.
Waxayna ugu dambeyntii hogaamiyayaashu isku raaceen in laga taxadaro si uusan u dhumin dhaqanka bulshadaasi, dadka waaweyna ayaa looga baahan yahay iney da’yarta u gudbiyaan dhaqankooda sii uusan u noqon mid dhuma.
Rasuulo oo kamid ahayd hogaamiyaasha ka socday magaalada Denver ee gobolka Colorado ayaa qirtay in hadii dadka waaweyn oo ay ku sheegtay laf dhabarta bulshada ay meesha ka baxaan uu gabiba dhumi doono dhaqanka bulshadaasi, loona baahan yahay in la higsado arintaasi iyadoo iyadu qirtay iney arintaasi bartilmaameedsanayso.
W.D- Cabdiqafaar Shire.
Nairobi Kenya.
Xigasho: Mysanantonio.com
Comments
comments