Calendar

Briton oo kor dhisay gargaarka la siinaayo Soomaaliya

MDG--Secretary-of-State-f-006Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Xoghayaha arrimaha hormarinta dowlada Briton Andrew Mitchell oo booqasho ku yimid Arbacadii magaaladda muqdisho, ayaa ka digay 400,000 oo caruur oo ku nool Soomaaliya in ay halis u yihiin in ay dhintaan haddii aan la caawin.

Isagoo Muqdisho yimid ayaa waxa uu yiri “Waxa aan u imid Muqdisho in aan arko xaaladda gaajadda sidda ay tahay iyo Brton in si wanaagsan ay u caawin karto dadkaas”

Mitchell, waa wasiirkii ugu horreeyay ee soo booqday caasimadda Soomaaliya Muqdisho mudo 18-sano laga joogo

Andrew Mitchell ayaa sidoo kale sheegay xaaladda Muqdisho uu ku arkay in ay la mid tahay tii 1991-dii ilaa 1992-d-ii dhacday.

Booqashadda Mitchell Muqdisho ayaa dowladda Briton waxa ay ku dhawaaqday in ay bixin doonto 25-Million oo Bond oo u dhiganta 41-Million oo dollar taas oo lagu wareejin doono hay’adda QM u qaabilsan caruurta ee UNICEF.

Xoghayaha arrimaha Hormarinta dowladda Briton Africa ayaa sidoo kale ugu baaqay wadamadda kale in ay caawiyaan dadka Soomaalida.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa shaley  xafiiskiisa ku qaabilaya wasiiru dowlaha Dowladda Britian u qaabilsan arimaha bani’aadanimada iyo horumarinta Andrew Mitchell oo m Muqdisho soo gaaray.

Kulanka uu Ra’iisal wasaaraha  la yeeshay mas’uulkaasi ayeey iskula soo qaadeen arimaha dhinaca bani’aadanimada iyo sida ugu haboon ee loo gargaari karo dadka tabaaleeysan ee abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisal wasaare Cabdi weli ayaa kulankaasi kadib sheegay in mas’uulkaasi ay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Andrew Mitchell ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisal wasaraha dalka hurumarka laga gaaray dagaaladii Muqdisho iyo in dowladdu ku guuleysatay sugida amaanka goobihii ay la wareegtay.

 W/D:Xafiiska wararka www.Bartamaha.com Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: