read more »">
Calendar

Britain oo Alshabaab ku eedaysay inay xatooyo u gaysato gargaarka ay gayso Soomaaliya

images (2)Dowlada Britain ayaa sheegtay  in meelo kala duwan oo Hay’adaha gargaarka ay ku lahaayeen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya  qalabkii yaalay ay xaday kooxda Alshabaab.

Waaxda dawlada Biritan u qaabilsan hormarinta caalamiga ah ayaa sheegtay in qalab saad ah ay soo dhiibtay xukuumada Biritan oo ay ugu tala gashay in la siiyo dadka danyarta ah ay ka qaateen xarumaha Hay’adaha gargaarku  ku leeyahay  Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Waaxda Hormarinta caalamiga ah ee dalka UK ayaa ku qiyaastay qalabka ay  Shabaab ka qaateen xarumaha Hay’adaha  ka shaqeeya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya  in ay gaarayaan  480 kun oo Pound.

Britain waxay sheegtay in tani ay dib u dhigtay gargaar gaaraya 80 Milyan oo doollar oo loogu talogalay in Soomaaliya lagu caawiyo 2012 illaa 2013, taasoo ay sabab uga dhigeen in baaritaanka arrintan ay qaadatay 12 bilood oo xiriir ah.

Xildhibaan, Gerald Howarth oo ka tirsan xisbiga muxaafadka  ah ee ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sheegay in xatooyadan ay kordhinayso walaaca ku saabsan sida lacagtan loo bixiyay.

Afhayeen u hadlay waaxda horumarinta caalamiga ah ee Britain ayaa xusay inay ka shaqeeyaan dalal ay colaado iyo khataro ay ka jiraan sida Somalia oo kale, balse waxaan sameynaynaa wax walba oo aan kaga hortegi karno xatooyada noocan oo kale ah.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: