Boosaaso:-Madaxweyne Faroole oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso.
Bartamaha(Boosaaso):-Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi balaaran uu horkacayay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Xarunta Maamulka Gobolka Bari ee Boosaaso.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Boosaaso ku soo dhaweeyay shacabka Magaalada Boosaaso qeybihiisa kala duwan kuwaasi oo Caleemo qoyan u lulayay Madaxweynaha.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxa uu shalay uga soo ambabaxay Magaalada Garoowe oo ah Xarunta Maamulka Puntland isagoo soo maray Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar.
Madaxweynaha ayaa waxaa loo galibiyay Xarunta Madaxtooyada Boosaaso halkaasi oo uu ka bilaabayo shaqadiisa caadiga ah iyo Kulamada uu la qaadanayo dhammaan Laamaha Ammaanka iyo Madaxda Gobolkaasi.
Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in uu arimo badan kala hadlo maamulka Cusub ee loo dhisay Magalooyinka Puntland gaar ahaan Gobolkaasi Bari isagoo isbadal dhawaan ku samaynaya Nidaamka Dakada Bosaaso.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments