Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay dad iyo hub ay soo qabteen
Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kusoo bandhigay dad iyo hub ay sheegeen iney qayb ka ahaayeen falalka amni darro oo caasimada ka socda kuwaas oo lagu soo qabtay hawlgallo ay maalmihii lasoo dhaafay ka fuliyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Saxaafada ayaa waxaa loo soo bandhigay 9 ruux oo mid ka mid ah ay ahayd haweeney,Hub ka koobnaa bambaanooyinka gacanta iyo Miinooyinka dhulka lagaliyo oo aan wali qarxin,saraakiisha booliska ayaa sheegay in dadka ay maanta soo bandhigeen ay kamid ahaayeen dadka falalka lidiga ku ah amniga Muqdisho ka waday.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Cumar Madaale ayaa Saxaafadda uga warbixiyey hawlgallo xiriir ah oo ay ciidamadu samaynayeen laga soo bilaabo 21kii bishii ina dhaaftay ilaa iyo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 4ta bisha August,wuxuuna tilmaamay in ciidamada booliska ay ka hortageen falal badan oo la damacsanaa in Muqdisho laga fuliyo.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/G C/xakiin Daahir Cilmi ayaa goobta ka sheegay in ciidamada booliska ay ka hortageen qaraxyo iyo dhibaatooyin ay Alshabaab doonaysay iney Muqdisho ka fuliyaan,wuxuuna tilmaamay in ciidamada ay soo saareen Miinooyin aan qarxin oo lagu aasay qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee caasimada.
Comments
comments