Calendar

Booliska Aduunka ee Interpol oo amar ku bixiyay in la soo xiray Samantha Lewthwaite

Booliska Aduunka ee Interpol ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro Haweeneyda lagu magacaabo Samantha Lewthwaite oo lagu eedeeyay inay ka dambeysay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Kenya.

Kenya ayaa ka codsaday Booliska Aduunka inuu gacan ka siiyo baadigoobka haweeneydaas oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan tahay Al-Shabaab.

Haweeneyda oo lagu naaneyso Carmalkii cadeyd ayaa aheyd xaasas mid ka mid ah afartii ruux ee weerarada is qarxinta ka geystay July sanadkii 2005-tii boosteejada tareenada magaalada London.

Samantha Lewthwaite ayaa la sheegay inay ku soo safartay Baasaboor Koofur Afrika, isla markaana adeegsaneyso magaca Natalie Webb, iyadoo la sheegay inay wax ka abaabushay weerarkii ay dadka faraha badan ku dhinteen ee ka dhacay Suuqa ganacsiga ee Westgate.

Booliska Kenya ayaa horay u sheegay in haweeneyda lagu dilay weerarka, hase ahaatee waa ay beenowday, markii baaritaan lagu sameeyay meydadka dableydii weerarka qaaday.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii Westgate ayaa beenisay in haweenka ay u adeegsadaan dagaalada, isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo la buun buuniyay.

Haweeneydan oo 29 sanno jir ah waxaa la aaminsan yahay inay ku dhuumaalaysato dalka Kenya waxaana lagu eedeeyaa inay dhawr jeer weeraro ka geysatay dalka Kenya si gaar ahna waxaa farta loogu godaa weerarkii ugu dambeeyay ee Westgate Mall ka dhacay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: