Booliiska Dowlada oo Saaka baaritaana balaaran ka sameeyay Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Booliiska Dowlada KMG ah ayaa saaka sameeyay howlgalkii baaritaan ee ugu balaarnaa kaasi oo ay ku qabqabteen Kooxo laga shakisanyahay.
Baaritaanka oo saaka ay wadeen Ciidanka Dowlada ayaa waxa uu ka dhacayay wadada Makka Al Mukarama iyo Isgoyska KM.4 halkaasi oo gawaarida baaritaan adag lagu marsiinayay.
Ciidanka howlgalka samaynayay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ka soo kala baxay saldhigyada ku dhowdhow Wadada Makka Al Mukarama waxaana ay la socanayeen dhammaan dhaqdhaqaaqa dadka saaran gawaarida.
Howlgalka ayaa waxaa ka qeybgalayay Haweenka Booliiska Dowlada oo si gaar ah u baarayaya Haweenka la socda gawaarida shacabka oo si adag loo baarayay.
Saraakiisha Ammaanka Dowlada KMG ah ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkooda ay ku qabqabteen kooxo looga shakisanyahay ammaan darada caasimada ka socanaysa.
Wixii war ah oo ka soo baxa Laamaha ammaanka kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments