Calendar

Booliiska Dowlada KMG ah oo maanta baaritaano ka sameeyay Degmooyinka ku dhow Madaxtooyada.

booliss15Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Booliiska Dowlada KMG ah ayaa saaka howlgalo ka sameeyay Xaafado badan oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada ka dib shakki soo galay laamaha ammaanka.

Ciidamada Booliiska ayaa waxa ay xereen dhammaan wadooyinka Degmooyinka Xamar Weyne iyo Xamar Jajab si ay u baaraan xafadahaasi oo shakki looga qaaday in la soo dajiyay koox Islaamiyiinta ka mida.

In ka badan 50-dhalinyara ah ayaa howlgalkaasi lagu qabqabtay kuwaasi oo badankooda lagala baxay xaafadaha ay ku sugnaayeen iyadoo loo dhaadhicyay Xarunta Madaxtooyada Xabsi ku yaala.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir Col.Axmed Xasan Maalin oo ka hadlay howlgalkaasi ayaa waxa uu sheegay in ay xerxereen dhalinyaro dhammaan laga helay astaamo muujinaya ammaan darada ka dhacaysay dhawaanahan Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa xusan in ciqaab aanay abid arkin la marsiin doono dhalinyaradaasi marka la baaro ka dib haddii lagu helo dinbiga hatan looga shakki qabo kaasi oo ah in ay doonayeen weerar ay Madaxtooyada ku qaadaan.

Dowlada ayaa waxa ay maraysaa heerkii ugu darnaa diyaar garow dhanka ammaanka ah iyadoo ka cabsi qabta in weerar ay ku soo qaadaan Islaamiyiinta inta aan lagu dhaqaaqin howlgalka guud ee lagula dagaalamayo Islaamiyiinta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: