Calendar

Booliiska Denmark oo toogtey Nin Soomaaliya kadib weerar uu ku qaadey ninkii reer Denmark ee Nabiga sawir gacmeedyada ka sameyn jirey.

kurt westgaard

COPENHAGEN booliiska wadanka Denmark ayaa fashiliyay isku day dil oo la doonayay in lagu khaarajiyo ninkii reer denmark ee sawirada foosha xun ka sameyn jirey Nebi Muxamed naxariis iyo nabedgalyo dushiisa ha ahaatee sida uu xaqiijiyay madaxa sirdoonka denmark.

Jakob Scharf oo ah madaxa ciidamada sirdoonka Denmark ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano PET ayaa sheegay in nin 28 jir ah oo soomaaliya  kuna hubeysan faas iyo mindi oo isku dayay inuu gudaha u galo hoyga uu deganaa kurt westgaard ee ku yaalla magaalada Aarhus ee dalka denmark.

Weerarkaan ayaa scharf waxa uu ku sheegay inuu ahaa mid argagagxisino xiriir la leh oo lagu bartilmaamedsanayay Kurt Westgaard.

Ninka la xirey ayay kooxaha sirdooonka ee Denmark waxay xaqiijiyeen inuu xiriir dhaw la lahaa kooxaha argagixisda ee Alshabaa iyo Alqaacida ee ku sugan bariga afrika waa sida hadalka ay u dhigeene.

Scharf oo ah madax sirdoonka denmark ayaa isagoona ka bixin sharaaxd dheeriya waxa uu sheegay in ninkaan soomaliga ah ee weerarka geystay uu ku jiray hawlo argagixisanimo ah intii uu ku gudo jirey safar uu ku tagay bariga afrika, inkastoo ay sheegeen iney sirdoonka dalkaasi ay la socdeeen dhaqdhaqaaqiisa.

Booliiska denmark ayaa dhaawac aad uxun u geystay ninka soomaaliga ah iyagoo ka toogtey jilibka iyo gacanta inkastoo aysan haatan noloshiisu khatar ku jirin, sida uu xaqiijiayy Preben Nielson oo kamida booliska Magaalada Aarhus oo ah halka uu weerarku ka dhacay.

Muwaadinkan soomaliga ah ayaa Denmark ku lahaa deganaansho rasmiya iyadoo la qorshaynayo in maanta lagu maxakamadeeyo dalka denmarkwaxa uuna ku eedaysan yahay isagoo rabay inuu khaarajiyo Westgaard oo ahaa  ninkii sawir gacmeedyada ku masabidan jirey Nebi Muxamed naxariis iyo nabad gelyo dushiisa aha ahaate.

Westergaad ayaa ayaa markii la soo weerarayay waxa uu ku sugnaa hoygiisa isagoo ay la hurudey gabar 5 sano jir ah oo uu awoowe u yahay sida ay xaqiijiyeen booliska dalkaasi, markii lasoo weerary ayuu kartuunistaha reer denmarka waxa uu galay qol ammaan ah kadibna daqiiqdao kadib waxa meeshii soo gaarey ciidamada booliska magalada Aarhus ee dalka denmark oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn wadankaasi.

Ciidamadii booliska ee meesha soo gaarey ayaa isku dayay iney xireen ninkii soomaliga ahaa ee weerarka soo qaaday, kadib waxa uu damcay inuu faaska la aado askartii goobta timid taaso dhalisay in Halkaasi la toogto sidey sheegeen booliska dalkaasi.

Kartuunistaha reer Denmark ayaa waxaa la soo dersay naxdin xoog leh inkastoo uusan soo gaarin wax dhaawaca sida uu sheegay Nielsen oo kamida saraakiisha booliska ee magaalada Aarhus oo magaalada 2aad ee ugu weyn wadanka Denmark.

Kartuunistaha ayaa mudo gaareysa 5 sano waxaa bartilmaameedsanaya ummada islaamka kadib markiii uu meel uga dhacay Nebi muaxmed NNKH kadib sawir gacmeed uu sameeyay oo uu ku cadeeyay .

Sawiradaasi ayaa waxaa lagu daabacay wargeyska maalinlaha ah ee kasoo baxa Denmark  laguna magaacbo Jyllands-posten sanadkii 2005,  arintan oo dhalisay buuq farabadan iyo inay wadamada islaamka laga abaabulo mudaharaadyo caro wata oo lagu qaado safaaradaha reer galbeedka oo ay mida denmark ugu horeyso.

inkastoo madaxda dlakaasi oo uu ugu horeeyo raisul wasaaraha dalkaasi Anders Fogh Rasmussen ay sheegeen in arintaasi iska fogeeyeen hadana waxay ku andacoodeen in kaartoonistuhu uu haysto xoriyatul qawl uu wax walba ku sheegi karo wax kasta sida ku cad shruucda u degsan dalkaasi.

Dalka Denamrk waxa uu kamid yahay dalalka reer yurub ee deganaanshaha siiyay kumanaan qaxooti soomaaliyeeda oo ka cararay dalkoodii hooyo kadib dagalo sokeeye oo halkaasi kadhacay, mana la saadaalin karo waxa ka dhalan kara dhacdadani ka dhacday magaalada AaRHUS ee Wadanka Denmark.

Bartamaha News Desk.

Source Associated Press (AP)

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: