Booliiska Boosaaso oo xalay howlgalo ka sameeyay Magaaladaasi.
Bartamaha(Boosaaso):-Howlgalo balaaran ayay Ciidamada ammaanka ka sameeyeen xalay guud ahaan Xaafadaha Magaalada Boosaaso ee Xarunbta Ganacsiga Puntland.
Howlgalada ayaa waxa uu ahaa mid lagu soo qabqabtay Kooxo looga shakiyay ammaan darada baahsan ee Magaalada Boosaaso oo habeen hore Xildhibaan lagu dilay.
Ciidamada ayaa waxa ay galeen xaafado badanb oo magaalada ka mida oo ay dhalinyaro laga shakiyay ka soo qabqabteen kuwaasi oo lagu xeray xabsiga magaalada.
Dadka la soo qabqabtay ayaa waxaa ka mida dhalinayro wax ka barata Jaamacad Magaalada ku taala kuwaasi oo lala xiriiriyay qaska iyo ammaan darada magaalada ka jiray.
Illaa haatan wax war ah lagama helin masuuliyiinta Gobolka iyo madaxda laamaha ammaanka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo dhawaan ay falal ammaan daro ka jireen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments