Bhuko oo ka hadlay fariisinada Cusub Ee Amisom.
Bartamaha(Muqdisho):- Afhayeenka Ciidanka Amisom ayaa markii ugu horaysay faahfaahin buuxda ka bixiyay Saldhigyo Cusub oo ay ka samaysteen gudaha Magaalada Muqdisho.
Bridge Bhuko afhayeenka Ciidanka Amisom ayaa markii ugu horaysay ka hadlay saldhigyo Cusub oo dhawaanahan ay ka samaysanayeen gudaha Magaalada Muqdisho xilli weli ka sugayo Ciidan hor leh oo ka socda Afrika.
Afhayeenka waxa uu cadeeyay in ay saldhigyo cusub ka samaysteen Hotelkii Jubba iyo xaafadaha Degmada Shangaani Ee Woqooyiga Muqdisho oo marar badan ay ku soo dhawaadeen in ay qabsadaan Xoogaga Islaamiga ah.
Afhayeenka waxa uu sidoo kale sheegay in ay saldhig ka dhigteen xaafada Xoosh Ee Degmada Dharkenley iyo Wadada Jasiira si ammaanka Deegaanada Galbeedka Magaalada ay u sugaan Ciidanka Amisom.
Bhuko ” Xaq ayaan u leenahay in aan dagno meel walba oo aan is leenahay ammaankiina ayaa ku xiran…. waan dagaaynaa dhulka amniga laga sugi karo oo kooxaha Nabada diidan aan isaga difaaci karayno…” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Amisom .
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay ogyihiin qorshayaal ay damacsanyihiin Xoogaga Mucaaradka gudaha Bishan Ramadaan isagoo tilmaamay in ay weerar ku soo yihiin Deegaano badan oo Nabad ah.
Dhawaanahan ayaa waxaa sii kordhayay cabsida Shacabka ee ku aadan weeraro ka yimaada Mucaaradka iyo Saldhigyada Cusub Ee Amisom oo bulsha badan shaki badan galiyay taasi oo sababtay in dad badan ay isaga fogaadaan dhulka ay dageen Amisom.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments