Calendar

Bellingham: TFG waa in ay horumar sameysaa hadday kordhis dooneyso

110215112557_bellingham.jpg226Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa dhowaan waxay xarunta shirarka ee Wilton Park ee dalkan Britain ay ku qabatay shir ay ka soo qeyb galeen dowlado dhowr ah oo tan Soomaaliya ay ka mid tahay, ururro goboleed iyo Qaramada Midoobay. Shirkaas oo socday dhowr maalmood waxaa looga hadlayay Soomaaliya.

Yusuf-Garaad ayaa telefoonka kula xiriiray Wasiirka shirkaas u xil saarnaa, waa Wasiirka Afrika ee Britain, Henry Bellingham, oo hadda booqasho ku jooga dalka Nigeria wuxuuna weydiiyay Ujeeddadiisu maxay ahayd?

Aniga iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda FCO ayaa qaban qaabinay. Ujeeddadu waxay ahayd in aan isugu keenno dad kala duwan si ay uga wadhadlaan xaaladda Soomaaliya, waxaana isugu yimid qeybo muhiim ah, UN, dowlado dhowr ah, dad Soomaali ah, Wasiirka Dibadda ee TFG iyo wakiillo ka socda Somaliland, Puntland iyo Aqoonyahanno.

In la isku dayo in dib loo fiiriyo fahamka caalamku ee sii wanaagsanaanaya iyo in si iska warqab ah oo dhan wax loo wada wado loo taageero Soomaaliya.

Saa maxaa ka soo baxay?

Aad ayaa loo fahmay wax dhibku yahay hadda iyo sida loo wajihi karo. Sidoo kale Ka dib in aan dhegeysannay wakiillo ka socda qeybaha Soomaaliya iyo TFG waxay ahayd wax aad u muhiim ah. Hadda aad ayaa loo fahmay waxa loo baahan yahay in qabto bilaha soo socota. Waa bilaha kooban ee ka haray ku meel gaarka.

Dadka Soomaaliyeed waxay ku wareersan yihiin sida looga baxayo xilliga ku meel gaarka ah. Baarlamaanka Soomaaliya oo keligiis 3 sano ku darsaday xilligiisa iyo dhinacyo beesha caalamka ah oo hadda wada in hal sano loogu daro dhammaan hey’adaha Federaalka Soomaaliyeed. Britain iyadu maxay qabtaa?

Waxay nala tahay in ay ahayd wax khalad ah, in baarlamaanka TFG uu keligiis kororsado muddada. Waxay direysaa farriin khaldan. Waa in ay muddada u hartay ay dad kale ku soo daraan. Waa in ay horumar sameeyaan. Waa in ay adeeg sameeyaan. Waa in ay ku soo daraan dad Soomaali ah oo ka soo jeeda qeybo kala duwan.
Wasiirradu waa in ay hadda culeys dhab ah saaraan waxa ay u qabaan karaan in la horumariyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Human Rights Watch waxay shalay soo saartay warbixin ku eedeyneysa dhinacyada ku dagaallamaya Muqdishoo dhan in ay galeen dembiyo dagaal. Waxaa ku jira Ciidanka TFG iyo kan AMISOM oo labadaba ay Britain taageerto. Maxaad ka leedahay?

Aad ayaan uga walaacsan nahay tallaabo kasta oo dad lagu dilo ama lagu wax yeelo. Laakiin waxaan jecel ahay in aan muujiyo in ciidanka TFG iyo AMISOM ay xaalad adag ku shaqeeyaan. Shabaab ayaa weerar ku haysa. Dowladdana waa in ay ilaaliyaan. Geesinnimada AMISOM iyo ciidanka dowladdana dad baa tilmaamay.
Laakiin eedeyn kasta oo ku saabsan ku xad gudub xuquuqda aadanaha waa in si buuxda baaritaan loogu sameeyaa. Mana sahashaneyno.

Shirkii Wilton Park sida looga soo qeyb galay marka la fiiriyo, tirada dowladaha, ururrada caalamiga ah, aqoonhayannada iyo wakhtiga iyo kharashka ay Britain gelisay, waxaa la is dhihi karaa Britain waxay dooneysaa in ay horseed ka noqoto nabad raadinta Soomaaliya. Sidaasi sax ma tahay?

Anigu ma dheheen Britain waxay dooneysaa in ay ayadu hoggaamiso nabad raadinta Soomaaliya. Laakiin waxaan leennahay khibrad iyo aqoon badan. Waxaan awoodnaa in aan isu keenno dowlado kala duwan, aqoonyahanno, dad khibrad leh, iyo dabcan Qaramada Midoobay iyo dad khibrad leh oo Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed. 
Markaa ma lihin waa in aan hoggaanka u qabannaa nabad raadinta Soomaaliya. Laakiin waxay ila tahay in Britain ay u gaar tahay in ay macno badan meesha ku soo kordhiso, dalal kalena sida ay ila tahay ay ka soo saarto waxqabadkooda ugu wanaagsan, sababta oo ah waxaan leennahay hal ujeeddo oo ah in aan caawinno dadka Soomaaliyeed. Waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo aan awoodno si aan Soomaaliya nabad uga dhallinno.

Soomaaliya waxay leedahay fursad aad u weyn mjustaqbalka haddii aan awoodi lahayn in dhibka hadda jira la xalliyo. Taas oo ah waxa ay Britain dooneyso in ay sameyso. Waxaan dooneynaa in aan isticmaalno khibraddeenna, tas-hiilaadkeenna iyo aqoonteenna si aan ugu kabno nabadeynta Soomaaliya.

Diyaar ma u tihiin ilaa nabad laga gaaro in aad la daba joogtaan dadaalkaas?

Haa. Su’aali kama taagana in aan ilaa mustaqblaka fog la socon doonno Soomaaliya. Bilaha soo socda waxaa naga go’an in TFG ay muujiso horumar dhab ah. 
TFG kuma tali geli karto in ay kororsiimo heleyso haddaysan horumar sameyn. 
Haddaan qodobbo dhowr ah aan horumar laga sameyn, ma heli doonaan cusbooneysiin. Taa waan u caddeynay.Waxaan rajeynayaa in horumarkaa ay sameyn doonaan.

Ma aha dowladda keliya ee baarlamaanku waa in uu sameeyaa isbeddel, waa in dad kale oo Soomaali ah lagu soo daro, sida haween, culmaau diin, ganacsato, qurbajoogta, qabaailka,

Waxaa kale oo aan rabnaa in Somaliland loo arko tusaale wanaagsan. Dowladda degaanka Somaliland, waxay sameyneysaa horumar wanaagsan, waxaanan dooneynaa in ay tusaale u noqoto Soomaaliya inteeda kale. Waxaa kale oo aan u baahan nahay in aan culeyska saarno in la xalliyo dhibaatada burcad badeedda.

Waxaan u maleynayaa mustaqblku waa wanaagsanaan doonaa. Anigu wanaag ayaa ii muuqda. Wanaag ayaa iiga muuqda mustaqbalka Soomaaliya.

___

BBC Somali

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: