Belguim : Hawenka xidha Burqa iyo Niqaab waa todobaad jeel ah iyo ganaax
Dalka Belguim ayaa noqonaya wadankii labaad ee soo raca dalka faransiiska ee ka mamnuuca
haweenka Islaamka ee xidhan Burqa iyo Niqaabka in ay raacan gaadiidka dadweynaha iyo in ay la
soo dhex galaan goobaha dawaymaha.
Baarlamanka dalka Belguim ayaa mar hor isku khilaafay in ay mabnuucaan Burqada iyi Niqabka
inkasta oo ay isku raaceen todobaadkan hadana waa in aan la waafajin xeerka dastuuriga ah ee
u yaala nabadgelyada ,sababtoo ah waxa ay dhaawacaysaa xoriyada iyo xuquuqda diimaha
u yaala, laakiin waa in la ganaaxo haweynada Islaamka ah ee xidhata Niqab iyo burqa oo
ay mutaysato todobaad jeel ah iyo lacag ganaaxa.
Waxa ay leeyihiin lama diidana xijaabka laakiin waa in haweenka Islaamku wajigoodu uu
muuqdo oo haddi ay wada dadantahay waa lagu soo dhex dhuuman karaa waa sida ay hadalka
u dhigeen
NB. Dameertu geela ha didisee bururuftaa igaga daran, hadii aad raad raacdo bilowgii
dagaalkii labaad addunka dadkii sida gaaraka loo beegsan jiray iyo xaaldan maanta
ka ifaysa Yurub waa kuwo is shabaha.
M.Farah Aden ( Ghandi
Comments
comments