Beeridda dhulka iyo xanaanada dhirta maqaal ku sabsan dhirta.
Dhirtu waa saldhigga nolosha nafleyda wax kasta oo ku nool dhulka korkiisa nolashiisu waxay ku xiran tahay dhirta.
Markaad gaar ahaan dadka u fiirsato waxa uu ku cunteeyo waxay u kala kacaan labo qeyb uu dhirta toos ugu qaato oo ah miraheeda caleenteeda xididadeeda xabagteeda iyo qeybeheeda kala duwan, qeybta labaad wuxuu ka qataa xayawaanka hilibkiisa caanihiisa subagiisa iyo manaafacaadkooda kale xayawaanku wuxuu ku cunteeyaaba waxay u noqonaysaa dhirta.
Ma jirto qof muslim ah oo mudo tallaal geed ah ama abuura wax la abuuro oo ay ka cunto waxa uu beeray ama uu talaalay shinbir ama dad ama nafley kaleba haddiise uu jiro waxay u ahaanaysaa isaga waxa laga cunay sadaqo ilaahay uu ka siinaayo ajarkeeda.xadiiskaas wuxuu cadeynayaa qof kasta oo dhulka wax ku beera ama ku talaala in uu ilaahay ka ajar siinayo.
2}ka doonto risqiga arlada ama dhulka meeleheeda qarqarsoon oo loo wado dhulka uurkeeda qodid iyo beerid ka gala soo baxa risqiga ku jira.
3}qofka beerayda ah markuu gacanta ku qabto abuur isagoo joogo gurigiisa waxaa u dhawaaqa malak oo yiraahda dalool waxaa leh beerta,daloolna waxa iska leh shimbiraha,daloolna waxaa leh bahaa”imta, haddii uu abuurka ku rido dhulka waxaa loo qoraa halkii xababa 10 xasanadood haddii uu waraabiyo oo uu soo dhasho abuurkuna wuxuu l amid yahay qof nooleeyey halkii xabobadalkiisa ruux mu:min ah oo ilaahay u tasbixsanaya ilaa laga gooyo wuxuu la mid yahay qof noleeyay halkii xabo badalkiisa bartaas,
Markii uu gooyo oo uu shiidana wuxuu la mid yahay isogoo denbigiisa la shided,markuu dabaysha ku buubiyana denbigiisa buuba,markuu uu beegana wuxuu ka baxaa dunuubtiisii oo idil oo kala mid noqodaa sidii malintii ay hooyadii dhashayoo kale markii uu la tago guriga oo ay caruurtu ku farxaana waxaa loo qoraa 40 sano cibaadadood,
Haddii uu wax ka siiyo qof baahan, deriska iyo masaakiintana waxaa ilaah ka badbaadiyaa cadaabkiisa.
4}qofkii talaala 3 geed timireed oo dhaqaaleeya ilaa ay ka mira bixiso waxaa uu waajibtay janno.
5}haddii qiyaamadu ay kacdo oo mid idin ka mid ahna gacan uu ku hayo laan haddii uu karo in uu talaalo ha tallaalo.
6} qofkii dhul leh ha abuuro ama ha siiyo walaalkiis.
7}qofkii dhul angeganaa nooleeya isagoo ilaahay ku kalsoon ajar doona ah waxaa ilaahay xaq ku ah inuu u kaalmeeyo una barakeeyo.
Waxaa la sheegay inuu yiri nin la yiraahdo kacab axbaar ilaahay wuxuu soo dajiyey 99 barako wuxuu yeelay beeridda 98 barako,hal haray haray uu yahay ganacsiga .
Axaadiistaas oo idil waxaad ka arkaysaa rasuulkeenii suubanaa inuu si cad ugu tirtirsiiyey dadka mu”miniinta ah inay beeraan dhulka kuna tallaalaan dhirta ayna xanaaneeyaan.
Ugu danbeyntii waxaa islaamku xarrimay in geed la gooyo ama la dhaawaco iyadoo aan laga lahayn dan iyo manaafacaadsi haddii loo goynayo manaafacaadsina waxaa islaamku farayaa in aan la rujinin geedkaas ama aan la gumaadin ee loo gooyo si uu mar kale u soo bixi karo.
Waxaa ka dheehankartaa kitaabka la yiraah diinta islaamka iyo horumarka bulshada
waxaa qoray sheekh aadan sheekh cabdullaahi cali rabi naxariistii jano ha ka waraabiyo .
xafiiska wararka bartamaha muqdisho
Comments
comments