Beelaha Celi oo si weyn u qaadacay Maamul Cusub oo lo dhisay Dagmada Cabudwaaq
Kadib markii malin ka hor lagu dhawaaqay maamulka cusub ee magaallada Cabudwaaq ayaa shir ay isugu yimaadeen Waxgaradka Aqonyahanada dhalinyarada Beelaha Celi isla markaana ay qurba joogta uga qeybgaleen dhinaca telefoonka ayaa ka dhacay Magalada Cabudwaaq Shirkaas aya gebi ahaanba lagu deedafeeyey oo looga soo horjeedaysaday maamulka ay magaallada u sameeyen Sh. Liibaan iyo Prof, Laba-Garre.
Maamulka cusub oo ah mid ay ka dhexmuuqdaan rag ku cusub saaxada siyaasada ahlusuna iyo kuwa horey usii joogay oo boosaskoodii lagu celiyey ayaa dhinaca kale waxaa sida ay beelaha Celi maanta sheegeen ay ku tilmaameen inuu yahay mid baalmarsan cadaalada iyo wax qeybsigii ka dhexeeyey beelaha wada dega Cabudwaaq.
Nabadoon Maxamed Abdisalaan Barre oo kamid ah madax-dhaqameedyada beelaha Celi ayaa sheegay inaysan aqbali doonin maamulka cusub,isagona sheegay inuu yahay maamul aan ku iman rabitaanka dadweynaha,balse ku yimid rag qol isku soo xiray oo marna aan soo sameyn wax rag ku hishiiyo.isagoo halkiisa sii watana waxaa uu yiri ” Maamulka Ahlusuna ee Galgaduud ka dhisan ciidanka iyo aqoonyahanka ugu badan ee bilaabay waxa ay u dhasheen Beelaha celi,Baabuurta dagaal ee maanta lagu hortaagan yahay Al-Shabaab waxaa iska leh Beelaha Celi,iyaddoo sidaasi ay tahay ma qaadan karno in Maamulkii Magaallada hogaankiisii sare anu iska wayno” ayuu si ay caro ka muuqato u yiri Nadoon Maxamed Abdisalaan Barre.
Dhinaca mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa dhaleeceyn dusha uga tuuray guddoomiyaha Ahlusunna Gobolada Dhexe Prof,Laba Garre,waxaana ay ku tilmaameen inuu yahay nin u hiishay ama u liicay dhinaca qabiilka,isagoo xilka ugu muhiimsan ku safay qabiilka uu ka dhashay.
Nadoon Ahmed Xuseen Garba-cune oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yiri ” Adeer nina lagama yeelayo inuu wiilasha la dhashay meesha kusoo guro,iyadoo ay meesha ka maqan yihiin dadkii xaqa u lahaa maamulka. Mida kale Laba-Garre haddii aan isagii xilka Guddoomiyaha u deynay, Ma waxa uu inoo keenay inuu xilalkii kale isla dadkiisa dib ugu celiyo.Haddii ay taasi uu ka laaban waayo,hala socdo in aan qaacdaceyno la shaqeyntiisa isla markaana uusan ka shaqeyn doonin dhulka aan deganahay oo dhan” ayuu hadalkiisa ku soo celceliyey Nabadoon Ahmed Xuseen Garba-cune.
Col,Ceelbuur oo ka mid ah qurba joogta qadka telefoonka uga qeybgalay kulanka looga soo horjeestay maamulka cusub ee Cabudwaq ayaa sheegay inuusan maamulka la sameeyey hada wax ay ku taageeraan,aysan jirin Balse taasi badelkeeda ay arkaan waxyaabo badan oo looga horyimaado maamulkan. Waxaana uu yiri isaga oo hadlka si wata,
” Dadka wada degan si xalal ah ha u qeybsadaan maamulka waa war aanu qaadan karno,Laakiin maamulkii Ciidankiisa,aqoonyahankiisa iyo dhaqaalaha uu ku shaqeynaya idin ka bixiya,hadana Maamulka hogaankiisa rag kale oo xigtadeyda ah ayaan u dhiibayaa kama qaadaneyno Lab-Garre iyo cidii kale ee kula talisay maamulka Dhiciska ah ee saaka lagu dhawaaqay” ayuu yiri Col, Ceelbur
Sh. Saacid Maxamed Cabdi oo asna ka mid ah Qurba jogta qadka telefonka kusoo galay Shirka aya Waxaa uu yiri wax la qadaan karo ama cadalad ku salaysan ma ahan in Gudomiyaha Gobolada Dhexe Gudomiyaha Golaha Majraca iyo Taliyaha Ciidamada Cabudwaaq ay hal beel qadato Halka Beesha Celi oo la wada ogyahay Halganki dheere ee ay u soo gashay Nabada iyo kala danbeynta manta ka jirta Waqooyiga Galgaduud kuna wayday Dhalinyaro badan in lo magacaabo Madaxa Qaxootiga iyo Samafalka taasi Jawaabteeda waxaan u daynaya inta Goobtan fadhida iyo inta Warbahinta ka dalacan doonta hadi midaasi ay cadalad tahay iyo hadi aysan ahay.
Intaasi ka dib Waxgaradki goobta fadhiyay iyo qurba jogti telefonka uga qayb qadanayay waxaay isla garteen in la dhiso Gudi qaban qaabo kaas oo soo diyarin doona qabdhismeedka Maamulka Cusub oo logu magacaabo Maamulka Ahlusunna ee Waqooyiga Galgaduud Waxaana lo balamay dhamaystirka Gudiga Qaban qabada malinta bari ah oo ay taarikhdu tahay 09/10/2011.
Kadib mucaaradada Beelaha Celi ee maamulkan cusub ee Cabudwaaq ayaa magaalada waxaa laga dareemayey xiisad colaadeed iyo maamul beeleed looga soo horjeedo maamulka hada la sameeyey,Gawaarida dagaalka oo ay saaran yihiin maleeshiyaad ka soo horjeeda maamulka isla markaana ay saaran yihiin qaarka mid ah raga saxaafadda soo gaarsiiyey inay kasoo horjeedaan maamulka cusub aya lagu dhex arkaya Magalada .
Lama yaqaan jawaabta uu maamulka Laba-Garre ka bixin doono diidmada ka timid Beeshii loo tirinayey awooda Ahlusunada Gobolada Dhexe waxaana haddii ay sii socoto diidmadooda maamulkaasi laga yaabaa in lagu kala tago nabadii iyo maamul wanaagii baryihii danbe ka jiray Cabudwaaq. Waxaana wali dadweynaha reer Cabudwaaq ku jiray muran xoogan oo ay ka qabeen sida uu sax ku yahay doorashadii uu kusoo baxay Prof,Laba-Garre.
————————————–
Xasan Jama Farah
Cabudwaq,Somaliya
Comments
comments