Calendar

Beel Hubkeeda ku wareejisay Kooxda Shabaab.

cis5Bartamaha(Muqdisho):-Beel ka mida Beelaha dagan Gobolka Sh/Hoose ayaa la sheegay in hubkeeda ay ugu deeqaday Kooxda Alshabaab.

Munaasabad aanay saxaafada ka qeybaglin oo ka dhacday Degmada Baraawe Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa shaaca looga qaaday in Beesha Jiido oo dagan Baraawe ay hubkeeda shabaabka u dhiibatay.

War uu baahiyay sargaalka ugu sareeya Alshabaab Sh/Hoose Sheekh Maxamed Cabdalla ayaa waxa uu ku sheegay in ay Beesha Jiido ay hubkeeda ku wareejisay shabaab.

Sargaalkan oo xiriuir Telfon ugu sheegayay Saxaafada warkaasi ayaa sheegay in Hubka Nuucyadiisa kala duwan ay beeshaasi siiyeen Alshabaab si shareecada loogu difaaco sida uu hadalkiisa u dhigay sargaalkaasi.

Hub wareejinta ay beeshaasi samaysay ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshe ay Kooxda Alshabaab ugu dalbatay beelaha dagan dhulka ay ka taliso in ay hubkooda ku wareejiyaan Xarakada amarkaasi oo marar badan ay fuliyeen Beelo dagan dhulka ay shabaabka haystaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: