Calendar

Bare Cali Bare oo ka mida Saraakiisha Xizbul Islaam oo Xalay dil ka badbaaday.

bareBartamaha(Muqdisho):-Sargaal ka tirsan Xizbul Islaam ayaa Xalay ka badbaaday isku day dil ay la damacsanaayeen rag ka mida Islaamiyiinta.

Bare Cali Bare ayaa Xalay Bam gacmeed lagu weerary kaasi oo la doonayay in uu ku dhinto sida uu saaka saxaafada u sheegay Sargaalkaasi.

Bare Cali ayaa sheegay in Bam lagu tuuray xilli uu ku sugnaa meel aan ka dheereen hoygiisa Muqdisho islamarkana uu ku tuhunsanyahay Koox Islaamiyiinta ka mida.

Sargaalkan ayaa dhawaan ka soo horjeestay iskubiiridii Alshabaab iyo Raaskambooni isagoo sheegay in aanu la shaqeyn doonin Shabaab maadaama ay doonayaan kla jabinta Xizbul Islaam.

Bare Cali Bare ayaa sheegay in uu dareemi karo Kooxda doonaysay in ay disho isagoo wacad ku maray in uu talaabo qaadan doono uu uga hortagyo Kooxdaasi.

Lama oga weerarkan Xalay ka dhacay Muqdisho waxa uu ka badali dono siyaasada Sargaalkaasi ka mida ahaa Raaskambooni balse ku haray la shaqeynta Xizbul Islaam xilli madaxdiisa ay Alshabaab ku biireen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: