Calendar

Barakac Xoog leh oo ka socanaya Xaafado Muqdisho ka mida iyo Abaabulada dagaal oo sii kordhaya.

barakac10Bartamaha(Muqdisho):-Barakac balaaran ayaa ka socanaya xaafado ka mida Magalaada Muqdisho iyadoo abaabulada dagaalada ay sii kordhayaan.

Dowlada KMG ah iyo Kooxda Alshabaab ayaa cabsi galiyay dadka caasimada ku dhaqan taasi oo qasab ka dhigtay in dad badan ay guryahooda isaga barakacaan.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxa ay bilaabeen in ay soo baneeyaan xaafadah ay isku horfadhiyaan Dowlada iyo Islaamiyiinta si ay uga fogaadaan dagaalo laga yaabo in dhawaan ay dhacaan.

Degmooyinka Kaaraan,Dayniile,Shibis iyo Yaaqshiid ayaa si weyn loo baneeyay iyadoo dadka ay habeenadii la soo dhaafay ku seexanayeen xiliga ay weerarka soo qaadi doonto Dowlada .

Dad badan ayaa waxa ay dhagaysan kari waayeen hanjabaada Dowlada iyo Alshabaab ay isdhaafsanayaan iyadoo laga baqi qabo in weerar Dowlada ay qaado iyo difaac ALshabaab iyo Xizbul islaam ay sameeyaan.

Xaafada badan ayaa hatan cidla ah taasi oo ay sababteeda leeyihiin dhinacyada ka wada hadlay Idaacadaha Muqdisho ee ku wada baaqay dagaal ka dhan ah dhinac waliba midka uu diidanyahay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: