Bannaanbax looga soo horjeedo weeraradii lagu qaaday Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay
Boqollaal dad ah oo taageersan hawlaha bini’aadannimo ee dawlada Turkigu ay ka wado Soomaaliya ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha daljirka dahsoon.
Dibadbaxayaasha oo watay calamada Soomaaliya iyo kuwa Turkiga ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan weeraradii naxariis darrada ahaa ee lala beegsaday safaarada dalka Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo la hadlay dadweynaha ayaa sheegay inay kuwa weeraraya Turkiga ay ka xunyihiin in Magaalada Muqdisho ay markale cagaheeda ku istaagto kadib 22 sano oo ay ka socdeen dagaallo isdabajoog ah.
“Sababta loo weerarayo Turkiga ka ma taqaaniin? Waa maxay u dhismaysaa Muqdisho, maxayna mugdigii uga baxday, maxayna dib ugu soo noolaatay 22 sano kaddib,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay dibadbaxa.
Tarsan ayaa eedayn u soo jeediyay siyaasiyiin uusan magacaabin oo uu ku tilmaamay inay Alshabaab shirko ku yihiin in la weeraro Turkiga.
Soomaalida ayaa aad uga carootay weerarkii ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Alshabaab ee lagu qaaday safaarada Turkiga, iyadoo la ogyahay in dalka Turkigu uu Soomaaliya ka wado mashaariic kala duwan oo dalka dib loogu dhisayo.
Comments
comments