Bannaanbax looga soo horjeedo dawlada Soomaaliya oo ka dhacay Baydhabo
Banaanbaxani oo ay ka qeyb galeen qeybaha Bulshada ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool , islamarkaana looga soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Dibadbaxani oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan, waxgarad iyo qeybaha Bulshada ayaa si weyn loogu dhaliilay Go’aanka Dowladda ay ka qaadatay arrimaha Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku dioidanaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna ku taageerayeen Maamul Goboleed la qorsheynayo in laga dhiso Gobollada Bay, Bakool iyo Sh/hoose ayaa waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Kalsoonidii kala laabteen.
Dibadbaxayaasha oo Markii dambe isugu soo Uruuray fagaaro ku yaalla Magaalada Beydhabo ayaa waxaa halkaasi kula hadlay waxgarad kala duwan oo ku jiro Malaaq Cali Cabdiraxmaan ( Cali Shiino ) kaasi oo cadeeyay in si buuxda ay kalsoonida kala laabteen Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxgaradka ayaa Banaanbaxaasi ka iclaamiyay in Shirweyne lagu qaban doono Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay kaasi oo ay soo xaadiri doonaan dhammaan Masuuliyiinta dowladda u Matasha Beelaha Digil iyo Mirifle kaasi oo ay sheegeen in aayaha Beelaha Digil iyo Mirifle looga tashan doono.
Sikastaba dhawaan ayaa waxgarad ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle waxa ay sheegeen in gebi ahaan ay qaadeceen Dowladda Federaalka Soomaaliya
Comments
comments