Bandowgii saarnaa Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo oo la qaaday bisha Ramadan owgeed.
Bartamaha (Baardheere) Maamulka Magaalada Baardheere ayaa xalay si rasmi ah u qaaday bandowgii saarnaa Degmada Baardheere Ee Gobolkaasi .
Bandowga oo ahaa mid bilaabanayay xiliga fiidnimadii hore ah ayaa waxaa uu noqday mid culeys xoogan ku noqday shacabka Degmada Baardheere oo xiligan ku guda jira gudashada Cibaadada Bisha Ramadan.
Ka qaaditaanka Bandowga Degaanka Baardheere ayaa waxa uu yimid ka dib kulkan ay yeesheen Madxda Xarakada Alshabaab Ee Degmada iyo Odayaasha Deegaanka .
Xalay ayaa shacabka Reer Baardheere waxa ay ahaayeen kuwa inta badan muhiimad gaar ah saarayay ka qaaditaanka Bandowga iyagoo xalay xaalada Magaalada ay ahayd mid ay caadi u wadaan dhaqdhaqaaqa dadweynaha.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments