Bandow Xalay lagu soo rogay Magaalada Balad-weyne iyo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo halkaasi ka taagan.
Bartamaha (B/weyne):-Magaalada B/Weyne ayaa xalay si rasmi ah loogu soo rogay bandow deg-deg ah ka dib markii Ciidamo fara badan lagu soo daadiyay Wadooyinka Magaalada.
Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa xalay guud ahaan xeray wadooyinka Xaafadaha Magaalada Balad-weyne iyagoo dadka ku amray in Xafadahooda ku ekaadaan magaaladana ay bandow tahay.
Taliska Ciidanka Booliiska Magaalada BaladWeyne ayaa waxa ay sheegeen in ujeedada bandowga uu ahaa adkeynta ammaanka guud Ee Magaalada Balad-weyne halkaasi oo xalay Ciidamadii ugu badnaa wadooyina ay dageen.
Taliyaha Saldhiga Booliiska B/Weyne Muumin Cali Siyaad ayaa saxaafada u sheegay in ay jirtay sugitaanka Ammaanka magaalada go’aan laga gaaray sidaasina shacabka amniogooda loo adkeynayay.
Bandowgii Xalay Magaalada Balad -weynye ka dhaqan galay ayaa waxa uu ahaa mid Ciidamada Ammaanka Dowlada ay ku dhaqaaqeen iyadoo Xaafadaha Magaalada laga dareemayay dhaqdhaqaaqaasi oo shacabka ay u qaateen abaabulo dagaal.
Ciidamada Dowlada ayaa weli lagu arayaa wadooyinka Magaalada iyadoo ay wattaan gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan taasi oo shakki xoogan ay shacabka ka qabaan.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments