Bandow Xalay lagu soo rogay Degmada Wala-Weyn Ee Gobolka Sh/hoose
Bartamaha (Wala-Weyn) Bandowga Xalay lagu soo rogay Degmada Wala-Weyne ayaa ka danbeeyay shaqaaqo shalay ka dhacday Degmadaasi taasi oo dhalinyaro ay ku dhinteen.
Maamulka Degmada Wala-Weyne ayaa waxa ay bandow saareen Wala-Weyn ka dib markii ay halkaasi shalay rabshada ka dhigeen Wadaado Suufiyada ka mida kuwaasi oo laga xeray wadaad dushinayay Salaada Ciida.
Banaanbax ay dhigeen dhalainyarada xerta u ahayd wadaadkaasi la xeray ayaa waxa ay sabab ka dhigtay in Ciidamada Maamulka ay rasaas ku kala cayriyaan banaanbaxayaasha oo laba dhalinyara ah lagu dilay rasaastaasi.
Xalay ayaa degmadaasi waxa ay u ahayd habeen Bandow aan la shaacin uu saarnaa iyadoo Ciidamada Xizbul Islaam ay soo buuxyeen wadooyinka Degmada Wala-Weyn.
Xaalada ayaa maanta ah mid xasiloon iyadoo aanay jirin wax xiisad ah oo halkaasi ka taagan balse shacabka ayaa waxa ay yihiin kuwa wax badan iska weydiinaya sababaha ay Ciidamada u dileen dhalinyarada mudaaharaadka waday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments