Bandow Xalay lagu soo rogay Deegaanka Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo halkaasi oo shalay ay la wareegeen Ciidamada dowlada raacsan.
Bartamaha (Balad-Xaawo) Degmada B/Xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa xalay waxaa u bilwoday bandowgii ugu horeeyay oo ay soo rogeen Ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu-sunnah wal-jamaaca.
Bandogan ayaa waxaa xakay si rasmi ah loogu soo rogay  Deegaanka B/Xaawo Ee Gobolka abaara 7-dii fiidnimo ee xalay xiligaasi oo magaalada ay noqotay mid cidla ah islamarkaana ay ciidamada roonda wadeen.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa ahlu-sunnah ayaa waxa ay bilaabeen fiidnimadii hore dhaqdhaqaaqyo Ciidan ay magaalada banaankeeda ku tagayeen iyadoo gudaha deegaankaasi ay ciidamo ku dhaafeen howlo ka waday xaafadaha.
Saraakiil u hadashay kooxda Ahlu-sunnah wayaa waxa ay sheegeen in ammaanka deegaanka ay adkeynayaan islamarkaana shacabka loga baahanyahay in ay nabada ka qeybqaataan .
Bandowga ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay Ciidamada iskaashanayay ay la wareegeen guud ahaan Degmada B/Xaawo halkaasi oo horey ay ugu sugnaayeen Kooxda Alshabaab.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments