Calendar

Bandow xalay lagu soo rogay deegaanka Baardheere iyo howlgalo Ciidamada Alshabaab ka sameeyeen Balad-Xaawo.

holBartamaha (Gedo):-Maamulka Islaamiga ah Ee Degmada Baardheere ayaa xalay banbdow ku soo rogay gudaha Deegaankaasi xilli cabsi xoogan ay deegaankaasi ka taagantahay.

Ciidamo aad u fara badan oo ka mida kuwa kooxda Alshabaab ayaa xalay lagu soo daadiyay dhammaan wadooyinka Deegaanka Baardheere halkaasi oo shacabka lagu amray in ay dhaqdhaqaaqa joojiyaan.

Magaalada ayaa waxaa wareegayay gawaari dadka deegaanka loogu sheegayo in magaalada ay Bandow tahay islamarkaana aan la arki Karin qof socanaya iyadoo ciidamada ay bilaabeen roondooyin magaalada ay ku marayaan.

Dhanka kale Maamulka Alshabaab Ee Balad-Xaawo ayaa xalay waxa ay halkaasi ka sameeyeen howlgalo ay ammaanka deegaanka ku adkeynayeen iyadoo deegaanka laga maqlayay dhawaqa rasaas ay dusha sare u ridayeen ciidamada.

Howlgaladii xalay ayaa la sheegayaa in Ciidamada B/Xaawo ay ku soo qabteen dhalinyaro deegaankaasi ahayd kuwaasi oo looga shakiyay in ay ka warhayaan abaabulada ka socda Deegaanka Doolow.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Deegaanadaasi Gobolka Gedo wallow ay jirto cabsi xoogan oo la asoo derestay Maamulada Gobolka Gedo gacanta ku haya kuwaasi oo u diyaar garoobaya dagaalo aan la ogayn xiliga ay ciidamada dowlada Ee Doolow ku sugan ay gobolkaasi ku soo qaadayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: