Bandow Xalay la saaray Dhuusamareeb.
Bartamaha (Dhuusa-mareeb):- Bandow aan horay loo shaacin ayaa xalay lagu soo rogay Degmada Dhuusamareeb Ee Gobolka Gal-gaduud halkaasi oo ay maamusho Ahlu sunah.
Badowga Xalay ayaa bilowday ka dib salaadii Cishaha xiligaasi oo magaalada lagu soo daadiyay Ciidan xoogan kuwaasi oo shacabka amray in ay galaan guryahooda.
Dhammaan magaalada ayaa waxa ay noqotay mid cidla ah oo Ciidan ay gaaf wareegayaan dhismayaasha ku yaala dhuusamareeb sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Lama garan sababta ka danbaysay Bandowga Xalay sida deg dega ah loogu soo rogay degmadaasi waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in degmadaasi ay yimaadeen saraakiil sare oo ahlu sunnah ka tirsan.
Meel aan sidaa uga fogay degmadaasi ayaa la sheegayaa in ay joogaan Maleeshiyada Alshabaab oo marar badan dagaal ku soo qaaday degmadaasi wallow aanay u suurta galin la wareegida dhuusamareeb.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments